Jigjiga (cakaaranews)Isniin 19ka June, 2017. Tababar uu soo agaasimay ururka horumarinta soomaalida itoobiya islamarkaana lagu baranayay daryeelka hooyada iyo caruurta, kana sooqaybgaleen 34 xubnood oo ah xirfadlayaasha kahawlagala 13 xarumaha caafimaadka ah oo kukalayaala deegaanka ayaa lagu soo gabgabeeyay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.
Hadaba, tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay maareeyaha ururka horumarinta soomaalida itoobiya mudane Cabdifaax Siciid oo sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo kooxihii kuhawlanaa shaqada tababarkan. Wuxuuna intaa kudaray intababarkani uu socday mudo 12 maalmood ah islamarkaana kaqaybgalayashu ay kuqaateen casharo laxidhiida badbaadada iyo daryeelka hooyada iyo dhalaanka. Maareeyaha ayaana kula dardaarmay kaqaybgalayaasha in ay sifiican oo wadaniayad leh u gaadhsiiyaan casharadii ay barteen bulshadii ay kayimaadeen iyo xarumihii caafimaadka.
Ugudanbayna kaqaybgalayaashii tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan islamarkaana ay kaheleen casharo faaiido uleh.