Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 26ka May, 2017. Kulan lagu qiimaynayay wax qabadka mashruuca Dhimista dhimashada hooyada iyo dhamalaanka ee afka qalaad loo soo gaabiyo (RIF) oo ah waxqabada mashruuca bilihii la soo dhaafay oo diirada lagu saarayay fulinta qorshihii mashruuc u dajisnaa laguna qorfaynayay sidii loo dar-dar galin lahaa qorsha yaasha mashruuca ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay caasimada DDSI gaar ahaan madasha shirarka ee huteelka City crown.
Kulankan qiimaynta ah oo u soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, masuuliyiin ka socday ururka horumarinta somalida itoobiya oo uu ka mid yahay maareeyahay ururka horumarinta somalida itoobiya mudane Cabdifaax Siciid iyo masuuliyiinka socday hay’adaha ay baw-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI.
Kulankan qiimaynta ah oo socday muddo 2maalmood ah ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali oo ka warbixiyay waxqabadka mashruucan iyo guulaha laga soo hooyay fulinta qorshayaashii u yaalay mashruuca bilihii ugu danbeeyay. wasiirka ayaa sheegay in tan iyo intii la hirgaliyay mashruucani uu wax wayn ku soo biiriyay dadaalka uu xafiiska caafimaadka DDSI ugu jiro ka midho dhalinta adeegyada caafimaadka gaar ahaan hoos u dhiga dhimashada hooyada iyo dhalaanka.
Dhankiisa maareeyaha mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudaen Shaafici Daahir Muuse ayaa ka warbixiyay kaalinta waxqabad ee uu mashruucani ku leeyahay hirgalinta adeegyada caafimaadka gaar ahaan adeega caafimaadka hooyada iyo dhalaanka wuxuna sharax dheerka bixiyay in mudadii koobnayd ee la hirgaliyay mashruucan uu guulo waawayn ka soo hooyay fidinta iyo wacyigalinta adeegyada caafimaadka iyo kaalintii uu mashruucani ka qaatay dadaalkii loogu jiray xakamaynta iyo tir-tirida cudurka shubanbiyoodka ka dhashay xaaladii abaaraha saamaysay qaarka mid ah degmooyinka deegaanka.
Gabagabadii ayaa waxaa laga soosaaray kulankan qiimaynta ah qorshe ah in muddo bil ah lagu lagu soo gabagabeeyo shaqooyin u qorshaysan oo uu fulinayo mashruucani oo ah in 63 xurumo caafimaad solar light loo galiyo, 51 xurumo caafimaad haamaha biyaha ah loo dhigo, 61 Mooto la gaadhsiiyo degmooyinka deegaanka ee uu ka hawlgalo mashruucani.