Waangay (cakaaranews) Insiin, 25ka July, 2016 Wafti Qurba joog ah oo maalmahan socdaal booqasha ah ku joogay gobolka Erer ayaa gaadhay Degmooyinka Xamaro iyo Degmada Cusub waangey. Wafdigan qurba joogta ah ayaa waxa hogaaminayeen Ugaas xasan maxamed iyo gudoomiye ku xigeenka jaaliyada DDSI ee Australia mudane Sheekh Xasan.
Waftigan ayaa waxaa dhinaca deegaanka horkacayay masuuliyiinta gobolka Erer oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka Erer mudane Axmed xaaji. Waxaana siwayn loogu soo dhaweeyay Degmada Xamaro intii ay joogeen degmadaasi waxay la kulmeen qaybaha kala duwan ee shacabka waxaa kale oo ay booqteen mashaariicaha horumarineed ee laga fulinayo degmadaasi gaar ahaan Ceel-biyood Xafiiska Kheyraadka Biyaha uu ka fuliyay degmada xamaro taasi oo shacabka Degmada oo aad ugu diirsadeen kana raysteen biyo la aan tii hore uga jiraysay degmada.
Waftigan oo socdaalkooda sii watay ayaa gaadhay degmada cusub ee Waangey waxayna Booqdeen Mashruuca weyn buundada waangay waxaana uga warbixiyay dhismaha buundadan Engineerka dhismaha mashruucan fuliyay kuwaasi oo sheegay in dhismahaan Buuntada uu yahay Buundoonyinka Casriga ah.
Ugu dambeyntii Qurbajoogta ayaa soo dhaweeyay Mashaaricyada ay Xukuumadda dawlad deegaanka somalida itoobiya ka hirgalisay Gobolka Erer dhankoodana waxay sheegeen in ay sii xoojinayaan ka qaybqaadashada hirgalint mashaariicaha horumarineed.