Jigjiga(Cakaaranews) arbaca, 30ka March, 2016 Waxaa maanta ka bilowday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI imtixaanka xaqiijinta tayad ardayga ee loo yaqaano COC kaasi oo ay u fadhiisteen imtixaankan 500 oo arday kuwaasi oo hore u soo dhamaystay waxbarashada level 2ga ee kuliyadaha deegaanka gaar ahaan cilmiga ganacsiga iyo dhaqaalaha (business and finance)
Waxaana imtixaankan soo diyaariyay xarunta Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha DDSI (COC) waana mid loogu talagalay in lagu xaqiijiyo tayada ardayga iyo waliba hubinta ardayga aqoontii iyo cilmigii uu bartay heerka uu gaadhsiisan yahay fahanka xirfada aqooneed ee ardayga.
Imtixaankan ayaa ah mid sanad kasta laga qaado ardayda waxka soo baratay kuliyadaha kala duwan ee deegaanka waana mid lagu xoojinayo tayada aqoonta ardayga.