Jigjiga(Cakaaranews) Jamce, 22ka July 2016. Kadib soo xidhitaankii kulanwaynaha ayaa waxay afhayeenada iyo afhayeen kuxigeenada golayaasha dalka, dawlad deegaanada iyo ismaamulada oo uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar niskii danbe ee maanta udhaqaaqeen dhanka Gidhibka wayn ee Meles Park ee magaalada jigjiga halkaas oo ay kasameeyeen dhirayn geedo kaladuwan ah oo kabadan 1,000 geed isagoo shakhsi kasta uu beeray 5 geed.
Dhirayn kadib ayaa waxaa goobtaa kahadlay afhayeenka golaha wakiilada shacabka JDFI mudane Abadula Gemeda, Wasiirka Wasaarada Ilaalinta deegaanka, horumarinta kaymaha iyo isbadalka cimilada Dr. Shiferaw Teklemariam iyo waliba Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo dhamaantood qeexay muhiimada ay dhireyntu uleedahay bilicda deegaanka iyo bulshadaba.
Ugudanbayna, Afhayeenada iyo afhayeen kuxigeenada golayaasha heer qaran, heer dawlad deegaan iyo heer ismaamul ayaa u ambabaxay dhanka gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Jigjjiga Garaad Wiil-waal international airport iyagoo booqasho indha-indhayn ah kusii maray dhismayaasha kaladuwan ee xarunta madaxtooyada oo runtii noqotay mid kayaabisay islamarkaana ay ladhaygageen mudada gaaban ee lagu dhisay, qaabdhismeedka casriga ah ee loo dhisay, bilicda iyo tayada ay leeyihiin intuba.