Jigjiga(cakaaranews) talaado, 12ka July, 2016 Waxaa maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee XDSHSI gudiga sare ee qaban qaabada munaasabada xuska 16aad ee maalinta xoolo dhaqatada dalka itoobiya oo sanadkan lagu xusayo caasimada DDSI ee jigjiga.
Gudigan qaban qaabada munaasabada xuska maalinta xoolo dhaqatada oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenada DDSI ayaa ah gudi isku dhafka oo iskugu jira heer deegaan iyo heer fadaraal. waxaana kulankaasi ay yeesheen maanta hogaaminayay gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane maxamedrashiid isaaq.
Kulankan ayaa waxaa lagu kala qaadanayay qorshe hawleedka loogu diyaar garoobayo munaasabada 16aad ee xuska maalinta xoolo dhaqatada dalka itoobiya taasi oo ah munaasabad 2dii sano halmar lagu xuso mid ka mid ah deegaanada xoolo dhaqatada ah ee ay ka mid ka yihiin deegaanka somalida itoobiya, canfarta, oromada iyo deegaanka shucuubta koonfurta itoobiya. Waxaana xuskan kii ka horeeyay ee 15aad ayaa waxaa martigaliyey deegaanka canfarta halka sanadkana xuska 16aad uu marigalinayo deegaanka soomalida itoobiya.
Gudigan ayaa markii ay kulanka dhamaysteen waxay soo kormeereen garoonka cusub ee ciyaaraha oo laga hirgaliyay caasimada DDSI kaasi oo ah mid ka lagu qaban doomo munaasabada 16aad ee maalinta xuska xoolo dhaqadada dalka. gudigan ka socday heer fadaraal ayaa siwayn ugu bogay diyaar garowga bilowga fiican ah ee ay muujisay xukuumada DDSI.