Jigjiga (cakaaranews) jimce, 1da July, 2016 qaarka mid ah hogaaminta Jaaliyada DDSI ee ku dhaqan magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee wadanka Canada ayaa deeq raashin ah u soo diray dadka dan-yarta ah ee ay saameeyeen daadadkii wakhti roobaadkii waxyeeleeyay xaafado ka mid ah maamulka magaalada jigjiga.
Haddaba Deeqdan raashinka ah ayaa waxay jaaliyadu soo marisay maamulka magaalada jigjiga si ay u gaadhsiiyaan dadka danyarta ah. Masuuliyiinta ka socday maamulka magaalada jigjiga ayaa deeqan raashinka ah u qaybiyay qoysaskaasi dan-yarta ah.
Qaarka mid ah masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga oo warbaahinta kula hadlay goobtii raashinka lagu qaybinayay ayaa si wayn ugu mahad celiyay jaaliyada ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan magaalada Edmonton waxayna sheegeen in ay jaaliydan Edmonton ay dadaalada dhinac kasta leh markasta la garab taagan yihiin DDSI waxayna tilmaameen in ay deeqdan raashinka ah ku soo beegantay wakhti lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
Dhankooda dadkii la siiyay deeqdan raashinka ayaa u mahad celiyay hogaaminta jahliyada DDSI ee Edmonton ee soo gaadhsiiyay raashinka sidoo kale waxay u mahad celiyeen masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga ee sida wanaagsan ugu qaybiyay deeqdan.
Magayada jaliyada DDSI Edmonton Alberta Canada ee soo diray deeqdan ayaa waxay kala yihiin:-
1.Samatar Sahal
2.Fadumo Burle
3 Mahamed Gedi
4.Mahamed Shaafi
5 . cabdibdisalan Rashid
6.Foosiya Dhambil
7 . cabbdulahi Mohamed
8. ciise Yusuf