Minnesota( cakaaranews) khamiis, 30ka June, 2016 Shir ay soo diyaariyeen jaaliyada DDSI gaar kaan kuwa ka soo jeeda degmada qubi ee gobolka Erer ayaa ka kadhacay gobolka Minneapolis magaalada Minnesota ee waqooyiga America.
Shirkan oo ahaa mid si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee jaaliyada waqooyiga America islamarkaana ay hogaaminayay mas'uliyinta jaaliyada waqoyiga america ayaa waxay ujeedadiisu ahayd mid si farxad leh loogu taageerayo guushii socdaalkii taariikhiga ahaa ee Waftigii Uu Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Mahamuud cumar Uu kutagey wadanka Austrailia Iyo Soo Afjaridii Hadhaadigii UBBO.
Shirkan ayaa waxa si qoto sheer loogaga hadlay laguna Xaqiijiyey Sidey xukuumadan uga Go'antahey Ladagaalanka Saboolnimada Iyo Hirgalinta Horumarka Cagaaran Oo ay aad uga Markhaati Kaceen Dhamaan Dadkii Ka soo qeybgaley shirkaasi
Waxaana shirkan intii uu socday ka hadlay qaarka mid ah hogaaminta jaaliyada waqooyiga america iyo waxgarka ka soo jeeda degmada qubi ee gobolka Erer kuwaasi oo dhamaantood si Xeel dheer uga hadalay taageerada balaadhan ee ay u hayaan xukumada DDSI gaar ahaan socdaalka guusha soo hooyey ee lagu soo afjaray hadhaagii UBBO ee ka dhaq dhaqaaqi jiray Australia.