Jigjiga (cakaaranews)khamiis 21 July 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud Cumar oo ay weheliso madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo sucaad axmed faarax iyo masuuliyiin kale ayaa saaka hoolka shirarka ee xafiiskiisa si heer sare ah ugu qaabilay wafti kasocday dawlada Australia oo uu hogaaminayay madaxwaynaha golaha xildhibaanada Victoria ee xisbiga liberalka mudane Bruce Atkinson.
Kulankan qaabilaada ah oo uu furay madaxawaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa waftiga uga xog waramay xaalada guud ee horumarka deegaanka gaar ahaa dhinacyada dib udajinta, kafaaiidaysiga wabiyada iyo dooxooyinka, muhiimada balaadhan ee deegaanku siiyay baahida biyaha, isbadalka waxbarashada iyo caafimaadka, nidaamka federalismka ah ee dalka iyo degaankaba kaqaybgalinta dumarka dhinaca hogaaminta deegaanka iyo golayaasha wakiilada shacabka dalka iyo deegaankaba, iyo waliba kor uqaadida xidhiidhka dadwaynaha oo 5ta qaaradood ee dunida iyo gudaha deegaankaba socdaalo lagu maray.
Kadibna waftiga ayaa bogaadiyay qaabilaada sare iyo soo dhawaynta madaxwaynaha. Waxayna sheegeen inay si aad ah ula dhaceen horumarka deegaanku gaadhay iyagoo suaalo ay madaxwaynaha kawaydiiyeen dhinaca dib u dajinta iyo kafaaiidaysiga wabiyada iyo dooxooyinka iyo waliba kaalinta nidaamka federalismka ah ee deegaanka oo uu madaxwaynuhu sifiican oo ay u riyaaqeen ugu jawaab-celiyay.
Hadaba waftiga ayaa u aqoonsaday madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar aabaha helay furaha horumarka deegaanka. Waxayna gudoonsiiyeen hadyad qaali ah oo ay sheegeen in lasiiyo oo kaliya shaqsiyaadka caanka ah.
Ugudanbayna madaxwayanha ayaa waftiga iyo dawlada Australiaba ugu mahadceliyay kaalinta horumarineed, iskaashiga siyaasadeed iyo kadhaqan-dhaale ee ay dalka laleeyihiin.