Addis-Ababa(cakaaranews) isniin, 18da July 18, 2016 Boardga dawlad deegaanada taageerada gaarka ah lasiiyo ee uu hogaamiyo Raisal wasaare ku xigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokenin ayaa furay qiimayntii warbixinta waxqabadka sanadka 2008TI.
Waxaana qiimaynta dawlad deegaanadan ka soo qaybgalay hogaaminta 4ta dawlad deegaan ee taageerada gaarka ah lasiiyo ee kala ah: dawlada deegaanka soomaalida, canfarta, gambellaha iyo benshangul iyadoo ay deegaankeena uga qaybgaleen wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ka mid yihiin : madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Mowliid Haayir Xasan, wasiirka xafiiska horumarinta xoolodhaqatada ahna lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka xidhiidhka dadwaynaha mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha, macdanta iyo tamarta DDSI marwo Fartuun Cabdi mahdi, wasiirka xafiiska horumarinta dooxooyinka iyo waraabka mudane Suldaan khayre iyo masuuliyiin kale.
Haddaba Raisal wasaare ku xigeenka dalka mudane Dhamaqe Mokenin oo ah gudoomiyaha boardgan oo uu weheliyo wasiirka wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta xoolodhaqatada iyo kaluumaysiga JDFI mudane Kassa Tekleberhan oo furay shirkan ayaa sheegay in dawlad deegaanadu soo jeediyaan warbixinadii waxqabadka sanad miisaaniyeedka 2008Ti iyaga oo xooga saaraya dhinacyada horumarka gaar ahaan biyaha, beeraha, kafaaiidaysiga Dooxooyinka iyo wabiyada, dib udajinta, jidadka khaasatan buundooyinka, waxbarashada iyo caafimaadka.
Waxaana ugu horayn warbixinta laga dhagaystay dawlada deegaanka soomaalida itoobiya oo si qiimo leh usoo dhigtay warbixin maqal iyo muuqaal ah dhinac kasta oo uu guriga iyo gudiguba ubogay islamarkaana uu boardgu uga markhaati kacay dhamaan waxqabadyada lasoo dhigay inay goobjoog ahaayeen. Wuxuuna boardgu amaan iyo bogaadin sare usoo jeediyay hogaaminta deegaanka ee aragtida horumarineed iyo kago'naanshaha leh. Waxayna hoosta kaxariiqeen in waxqabadka lagaga daydo hogaaminta deegaanta soomaalida.
Sidoo kale, waxaa ladhagaystay warbixinadii waxqabadka deegaanada kale oo iyana si habsami leh usoo dhigay waxqabadyadoodii.
Ugudanbayna, raisal wasaare kuxigeenka dalka mudane Dhamaqe Mokenin ayaa carabka kudhuftay isbadalada laxaadka leh ee lasameeyay isagoo soo dhigay dhinacyadii adkaa iyo dhinacyadii jilicsanaa ee waxqabadyada kaladuwan islamarkaana sheegay in si kor loogu qaado dhinacyada jilicsan khibrad laga qaato deegaanka soomaalida iyo in lasii xoojiyo dhinacyadii adkaa.