Bilic-buur(cakaaranews) talaado,22, march, 2016, Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, wasiirka xafiiska waraabka iyo horumarinta dooxooyinka mudane Suldaan khayr maareeyaha kuliyada macalimiinta DDSI mudane maxamuud axmed nuur, maareeye ku xigeenka ahna ku simaha maareeyaha wakaalada qurba joogta DDSI mudane cabdi khaliif (dhoonbe) wasiir ku xigeenka xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane baashe cabdi ismaaciil iyo masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay maanta xaflada loogu dabaal dagayo daah furka degmada cusub ee bilcin-buur ee gobolka jarar taasi oo ka mid ah 25kii degmo ,2mm iyo 2 gobol ee uu dhawaan ansaxiyay golaha baarlamaanka DDSI
Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa Furitaankii xafladan khudbad dheer oo ku salaysan ahmiyada ay leedahay in ay bilicbuur degmo noqoto iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee ay bulshada u leedahay sheegay . Wuxuuna ka warbixiyay madaxwaynuhu taariikhdii iyo isbadaladii siyaasadeed nabadgalyo ee uu deegaanku soo maray iyo heerka uu maanta taagan yahay. Dhanka kale waxa uu sheegay madaxwaynuhu dhibaatooyinkii iyo naburadii ay gaadhsiiyeen nabad diidku deegaanka meelaha sida wayn ay u waxyeeyeena ay ka mid ahayd degman bilcin-buur
Wuxuuna ku booriyay madaxwaynuhu qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadan bilcin-buur meelkasta oo ay joogaan in ay ka qayb-qaataan dhismaha degmadan bilcinbuur.
Qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha,haweenka dhalinyarada iyo waxgaradka kale oo ku dhaqan degmada bilcinbuur ayaa ka warbixiyay dareenkooda farxadeed ee ku aadan degmada cusub ee bilcinbuu.waxayna hoosta ka xariiqeen in ay ka qayb-qaadanayaan dhismaha horumarined ee degmadan bilcinbuur
Gabagabadii xafladan ayaa waxa uu madaxwaynuhu dhagax dhigay dhismayaasha mashaariicaha kala duwan ee degmada bilcin-buur.
Madaxwaynaha iyo waftigan ayaa goor habeenimo ah ku soo dheelmaday xarunta gobolka jarar ee magaalada dhagaxbuur halkaasi oo ay caawa u hoydeen.