jigjiga(Cakaaranews)Talaado 12ka July 2016. Waxaa maanta galinkii danbe si rasmi ah uga furmay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan kalfadhigii 3aad ee golaha wakiilada shacabka DDSI.
Hadaba, kalfadhigan ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq. Wuxuuna sheegay ka hor inta aan la furin kalfadhigan in la xaqiijiyo tirada kooramka xidhibaanada. Tirada xildhibaanada DDSI oo ka kooban 269 xildhibaan ayaa waxaa soo xaadiray 245 xildhibaan sidaasi ayuu kooramku ku buuxsamay.
Kalfadhigan ayaa waxaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah oo uu soo jeediyay sheikh kamid ah xubnaha xildhibaanada DDSI
kadibna Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDSI mudane maxamedrashiid isaaq ayaa si rasmi ah ufuray kalfadhigan. Wuxuuna soo jeediyay anjandayaasha iyo bayaanada horyaala kalfadhigan oo kala ahaa: ansaxinta hadal qoraalkii kalfadhigii 2aad ee golaha xildhibaanada DDSI, ansaxinta warbixinta xafiiska golaha baarlamaanka DDSI, ansaxinta warbixinta xukuumada DDSI ee sanad miisaaniyeedkii 2008TI, ansaxinta warbixinta maxkamada guud ee DDSI iyo ansaxinta warbixinta hantidhawrka guud ee DDSI. Sidoo kale wuxuu afhayeenku soo dhigay bayaanada lagu ansaxinayo kalfadhigan oo kala ahaa bayaanka aas aaska wakaalada maamulka mishiinada waawayn iyo dayactirka gaadiidka DDSI, bayaanka ansaxinta miisaaniyada dheeriga ah ee lasoo saaray sanad miisaaniyeedka 2008TI, iyo bayaanka ansaxinta miisaaniyada 2009TI.
Kadibna waxaa sidaas kufurmay kalfadhigii 3aad ee golaha xildhibaanada isago maalmaha xigana halkaas kasiisocon doona