Jigjiga (cakaaranews) talaado, 5ta July, 2016 qurba joogtii ugu badnayd adib oo halmar ka soo wada degta garoonka diyaardaha e garaad wiil waal ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport. Kuwaasi oo ka kala socday wadamada Australia, Ingariiska, Kuwait, Germany, Iyo Wadamo kale.
Waftigan ayaa waxaa garoon diyaaradaha si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI ay ka mid yahay Wasiirka Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Cadaalada DDSI mudane C/jamaal Axmed Qalombi, hanti dhowraha Guud DDSI Mudane Adan Kuusow Cali, Wasiirka Haweenka carruurta iyo dhalinyarada DDSI Marwo Raxma Sulaan Maxamuud Haybe, ku simaha xafiiska qurba joogta DDSI ahna Ku xigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane C/khaliif Buraale ( dhoombe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Jarar Mudane Cabdi Cali Mataan iyo Qurbajoogta DDSI iyo Mas'uuliin kale.
Masuuliyiinta hogaaminaysa jaaliyada ayaa Warbaahinta DDSI kula hadleen qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha kuwaasi oo sheegay in ujeeada socdaalkoodu yahay in ay ka soo qaybgalaan kulan waynaha tododaabka qurba joogta ee dhawaan ka furmaya caasimada DDSI ee jigiga waxayna si wayn ugu mahad celiyeen xukuumada sida balaadhan ugu soo dhawaysay garoonka diyaaradaha kuna marti qaaday kulan waynahan.
Masuuliyiintii ku soo dhaweysay Garoonka oo la hadlay warbaahita ayaa sheegay in qurba joogta ka soo jeeda DDSI ee ku sugan daafaha aduunka ay xukuumada DDSI ay marti qaad u fididay si ay uga soo qaybgalaan kulan waynaha todobaadka qurba joogta oo ah mid lagu sii xoojin doono isku xidhka qurba joogta iyo xukuumada DDSI.