Jigjiga (Cakaaranews) isniin, 4ta July, 2016 Xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV/AIDSka ee DDSI ayaa wuxuu dadaal adag ugu jiraa sidii looga hortagilahaa loona xakamayn lahaa khatarta iyo faafitaanka HIV/AIDSka. wuxuuna xafiiska wacgilan balaadhan ka wadaa dhamaanba degmooyinka deegaanka.
Haddaba waxa tababar loo furay xubno ka socday xafiiska ay bahwadaagta yihiin xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/ ADISKA DDSI. Tababarka oo uu isla xafiisku soo diyaariyay ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay ku simaha wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/ADISKA DDSI ahna agaasintka waaxda xisaabaadka xafiiska mudane Mustafe Axmed Saleebaan wuxuuna sharax dheer ka bixiyay dadaalada uu xafiisku ugu jiro la dagaalanka iyo xakamaynta cudurka HIV/ADISKA.
Mar uu masuulku ka waramayay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan ayaa waxa uu sheegay in ay tahay sidii looga midho dhaliyo qorshayaasha xafiiska ayaa waxa lagu guulaystay in la casriyeeyo nidaamka xog uruurinta iyo isku gudbinta warbixinada ee heerarka kaladuwan iyada oo uu xafiisku warixinada til maamayaasha waxqabad ee bahwadaagta heerarka kala duwan ku ururiyey nidaamka Electronic multisectoral information system(EMRI) taasi oo lagu kaydinayo shabakada xogta ee xafiisku uu leeyahay. Tababarkana uu yahay mid xubnahan fahan buuxa laga siinayo nidaamka nidaamka casriga ah ee xog ururinta, habka galinta iyo ka saarida xogta.
Nidaamkan uu xafiiska wado ayaa ah mid sahlaya helitaanka xog tayo leh, goorta iyo aminta loo baahdaba si loogu adeegsado xogtan ku go’aan qaadashada jihooyinka iyo qorshayaasha xafiisku kula dagaalamayo HIV/AIDSka ee deegaankeena. Waana nidaam suurto galinaya helitaanka warbixinada ee goobaha fog ee aan boostada lahayn.