Jigjiga (cakaaranews) sabti, 2da, July, 2016 Wafti qurba joog ah oo uu hogaaminayay Ugaas Xasan Maxamed Cabdisalaan ayaa si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport kuwaasi oo ka soo kicitimay wadanka UK.
Waftigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka xidhiidhka qurba joogta DDSI mudane Bashiir Maxamed Cabdilaahi, wasiir ku xigeenka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri iyo waliba odayaal iyo waxgarad kale.
Waftigan ayaa markii ay soo dageen waxaa qolka nasashada garoonka diyaaradaha kula hadlay warbaahinta DDSI Ugaas Xasan Maxamed oo ka mid ah aqoon yahan ka qurba joogta DDSI ee wadanka UK kana qayb qaada hawlaha horumarka DDSI ee ay qurba joogta DDSI ka wado daafaha aduunka. wuxuuna ka warixiyay ujeedada socdaalka waftigan isaga oo sheegay in ay u yimaadeen ka qaybgalka kulan waynaha qurba joogta DDSI ee dhawaan ka furmaya xarunta deegaanka ee jigjia. Ugaaska ayaa tilmaamay in ay si wayn ugu faraxsan yihiin ka soo qaybgalka kulan waynahan ay xukuumada DDSI u qabanayso qurba joogta DDSI.
Dhankiisa wasiir ku xigeenka xidhiidhka qurba joogta DDSI mudane Bashiir Maxamed ayaa sheegay in wafigani qayb ka yihiin waftiyaga qurba joogta ah ee hadda ku soo qul qulaya xarunta deegaanka si ay uga qaybgalaan kulan waynaha qurba joogta.
Sidoo kale wasiir ku xigeenka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane axmed shugri ayaa sheegay in qurba joogta DDSI siwayn uga qayb qaadatay sanadihii ugu danbeeyay hirgalinta hawlaha horumarka deegaanka maalgashi balaadhana ka samaysteen deegaanka. Wuxuuna tilmaamay wasiir ku xigeenku in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka qurba joogta DDSI