Jigjiga ( cakaaranews ) Sabti 25ka june 2016.Tababar uu soo agaasimay waaxda khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah oo kusaab sanaa kor uqaadida garaadka iyo aqoonta shaqaalaha xafiiska ee ka shaqeeya barnaamijka heer deegaan,gudiga farsamada, shaqaalaha khayraadka dabiiciga ah iyo xafiisyada bahwadaagta ah ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.
Hadaba agaasinka khayraadka dabiiciga ah ee xafsiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Khadar Carab Iraad oo ugu horayn ka hadlay tababarkan ayaa sheegay in tababarka ujeedadiisu tahay xidhiidhka isbadalka dabeecaha bulshada ee ku aadan nafaqaynta iyo caafimaad qabka bulshada,afka qalaadna loo yaqaano ( naturition behavior change communication ) BCC kasoo ah qayb kusoo kora dhay barnaamijka wajigiisa afraad.sida shaqooyinka mihiimka ah sida abaabulka iyo wacyigalinta macaamiisha barnaamijka ee ku aadan nafaqada iyo caafimaad qabka bulshada.
Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in bulshada qaybaheeda u nugul nafaqa darada sida haweenka uurka leh hooyada nuujinaysa naaska iyo caruurta ka yar 5ta sano lagu xidho xarumaha caafimaadka sidoo kale qaybaha ay bulshadu ku qorshaysanayso qorshooyinka ama mashaariicaha kor u qaadaya nafaqada iyo caafimaadka qabka bulshada sida xarumaha adeega caafimaadka dadka,kuwa xoolaha,musqulaha,barista khudaarta kaladuwan. Ugu danbayna waxa uu agaasinku kula dardaarmay tababar qaatayaasha in intuu casharku socdo ilaaliyaan saacadaha cashirka uu socdo.
Jigjiga ( cakaaranews ) Sabti 25ka june 2016Tababar uu soo agaasimay waaxda khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah oo kusaab sanaa kor uqaadida garaadka iyo aqoonta shaqaalaha barnaamijka heer deegaan,gudiga farsamada, shaqaalaha khayraadka dabiiciga ah iyo xafiisyada bahwadaagta ah ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska horumarinta beeraha khayraadka dabiiciga ah.