Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 304849

Qiimaynta Mashruuca RIF

$
0
0

jigjiga(Cakaaranews) khamiis 23ka June 2016.Kulankii 2aad ee lagu qiimaynayay mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee marka afka qalaad magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano RIF  ayaa ka furmay xarunta DDSI ee magaalada jigjiga.

Hadaba kulankan qiimaynta ah oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta mashruucan ee deegaanada dalka uu ka hawl galo iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha mashruucan ka caawiya dhinaca deeqaha waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay maareeyaha dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka DDSI mudane shaafici daahir muuse kaasi oo ugu horayntii sheegay in uu ku faraxsan yahay marti galintan kulankan lagu qabtay xarunta deegaanka wuxuuna tilmaamay in uu yahay mid lagu qiimaynayo waxqabadka mashruucan lixdii bilood ee ugu danbaysay ee deegaanada uu ka hawl galo mashruucani.

Dhinaca kale waxaa ka hadlay furitaankii kulankaasi agaasimaha guud ee waaxda caafimaadka hooyada iyo dhalaanka wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr Ephrem Tekle ayaa ka warbixiyay guulaha uu mashruucani tan iyo intii la hirgaliyay uu soo hooyiy gaar ahaan dhinaca adeegyada caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka wuxuuna sheegay in kulankani mudada uu socdo diirada lagu saaridoona waxqabadkii mashruucan gaar ahaan 6dii bilood ee ugu danbaysay sidoo kalena ay deegaanadu soo bandhigidoonaan warbixinta waxqabadkooda.

Sikastaba ha ahaatee Mashruucan dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee RIF ayaa ka hawlgala 144 degmo oo ka mid ah degmooyinka dalkeena itoobiya wuxuuna 50% ka hawlgalaa DDSI waana mashruuc ka qaybqaata hirgalinta adeegyada caafimaadka gaar ahaan tayaynta adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 304849

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>