Qalaafe (Cakaaranews) Axad 20ka March 2016 Mashaariicaha biyo xidheenada lagawado santarada fafta booya iyo deeqa ee hoos yimaada degmada qalaafe ee gobolka shabeele ayaa dhamaaday qaarna gabogabo marayaan .
Hadaba gudoomiyaha degmada qalaafe mudane axmed cabdi xuseen oo u waramay warbaahinta Degaanka ayaa sheegay in dhamaan mashaariicihii 2008 TI loo qabtay degmada qalaafe ay hirgaliyeen Iyadoo badankood dhamaaday qaarna ay gaba gabo ku dhawyihiin wuxuuna gudoomiyuhu intaa Kudaray in hafardhaamka santarka fafta booya uu dhamaaday halka hafardhamka santarka deeqa uu marayo 80% .
Wuxuuna gudoomiyuhu hadalkiisi kusoo gaba gabeeyay in dhamaan mashaaricuhu ay meel fiican marayaan inta dhimana ladhamayn doona.