Image may be NSFW.
Clik here to view.
Beercaano( cakaaranews )Sabti 19ka March 2016, Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay islamarkaana bixinaya adeegii looga baahnaa mashaariico kaladuwan oo ay kamidyihiin kanaalka-waraabka, Iskuulaad, Ceel-Biyood iyo waliba Rug-caafimaad (Health-Post) kuwaaso kasocday Degmada Beercaano ee katirsan Gobalka Shabeele.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hadaba Gudoomiyaha degmada beercaano mudane Axmed Cllaahi Xuseen oo u waramay shabakada cakaaranews ayaa sheegay in mashaariico badan oo bulshada waxtar uleh ay dhamaystirmeen islamarkaana ay fulinayaan adeegyadii loogu talagalay. Wuxuuna gudoomiyuhu intaa kudaray in mashaariicdani kala yihiin kanaal-waraab ah oo dheerarkiisu yahay 350 mitter lagana fuliyay qabalaha Laab islamarkaana wakhti xaadirkan ay ka faaiidaysanayaan bulshadiii dajinta ee laga dhigay xoolodhaqato-beeraleeyda oo ka kooban 350 qoys. Sidookale waxa uu xusay in la dhamaystiray iskuul lagu dhisay mashruuca horumarinta bulshada xoolodhaqatada ah ee PCDP iyo sidookale Health-post laga dhisay qabalaha qorax.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Sidookale gudoomiyha oo hadalkiisii siiwata ayaa sheegay in 3 ceel-gacmeed laga qoday degmada beercaano , iyo waliba buundo aad muhiim u ah oo laga sameeyay qabalaha gabre-xaradho isla markaana lagu fuliyay mashruuca PCDP iyada oo ay bulshada aad u soo dhaweeyeen, fa'iido balaadhan u leh.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ugudanabayna wauxuu tilmaamay in mashaariicahani ay sanadkan 2008 ay dhamaadeen islamrkaana ay bulshada beercaano ay aad usoo dhawaynayso aadna ugu faraxsanyihiin.