Melbourne ( Cakaaranews ) Isniin, 13ka June 2016. Kadib shirkii Melbourne oo aad moodaysay inuu kadhacay hoolka shirarka Kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI ayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiintii wehelinaysay oo ay kamid ahaayeen maareeyaha guud ee wakaalada hawlaha biyaha mudane Subeer Cabdi Axmed iyo gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee waqooyiga America mudane Maxamed Shukri Nuur iyo waliba mas’uuliyiinta jaaliyada DDSI-Australia ayaa afur si heer sare ah loo soo diyaariyay hal meel ah kuwada yeeshay.
Hadaba fadhigan wadajirka ah ee afurka Melbourne ayaa la isku waraystay iyadoo kadibna lagu kalaqaatay qorshayaal dhaxal-gal ah oo sal-dhig u ah sii xoojinta waxqabadka iyo horumarka deegaanka oo ay kamid tahay maal-gashiga qurbajoogtu si dalka iyo deegaankuba uga guulaystaan cadawgeena kali ah oo ah saboolnimada ugana mid noqono wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.