Jigjiga(cakaaraNews) sabti, 11ka June , 2016Xaflad si meeqaamsare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalinjabiyeen dufcadii 11aad ee kuliyada caafimaadka jigjiga xirfadlayaal caafimaadka oo dhan 464 arday ayaa ka dhacday madasha shirarka Sayid MCX.
Xafladan oo ahayd mid si qurux badan loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heer qaran iyo heer deegan oo ay ka mid yihiin wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka ee heer federal mudane Dr Amiin Amaan, madaxwayne ku xigeenka ahna Wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid haayir xasan, Wasiirka caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid ,maareeyaha kuliyada caafimaadka mudane kamal cabdilaahi haybe, masuuliyii heer deegaan ah iyo waalidiinta,asxaabta aradayda qalinjabinaysay.
Xafladan qalinjabinta ayaa ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwayne ku xigeenka ahna Wasiirka waxbarashada mudane Mawliid Haayir Xasan oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada xirfadlayaashan iyo baahida loo qabo taabo galinta yoolasha horumarinta siyaasada caafimaadka ee heer deegaan iyo heer qaranba gaar ahaana fidinta adeegyada caafimaadka ay u dhaarteen in bulshada deegaanka ugu fidiyan sidaacadnimo leh oo ay u hagarbaxaan bulshadooda sidii ay ugu fidinlahaayeen xirfadihii ay barteen.
dhinaca kale waxaa Isna ka hadlay Wasiirka caafimaadka DDSI mudane Cabditataax Siciid oo ugu horayntii u hanbalyeeyay ardaydan qalinjabiyayaasha isaga oo ka warbixiyay dadaalada xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto kor u qaadida tirada iyo tayada cududa waxbaratay. Wuxuuna ku booriyay wasiirku in ay isbadal muuqda ka keenaan xoojinta adeegyada caafimaadka
dhankiisa waxaa ka hadlay maareeyaha kuliyada caafimaadka jigjiga mudane Kamaal Cabdilaahi Haybe oo ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee kuliyada iyo ardayda ka qalin jabisay tan iyo intii kuliyada la aas aasay wuxuuna sheegay in ay maanta ka qalin jabiyeen arday dhan 464, oo bartay noocyada kala duwan ee culuunta caafimaadka ee ay ka mid yihiin, pharmacy, clinical, mid-wifery laboratary iyo public nurse iyo anesthesia ugu danbaytii ayaa waxa uu sheegay maareeyuhu in ay kuliyada dadaal dheeriya ku jirto soo saarida cudud waxbarsho oo siwayn uga qayb qaadan doonta xaqiihinta iyo hirgalinta qorshay GTP2 iyo MDG.
Ugu danbayntii waxaa ka hadlay wasiiru dawlada wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr Amiir Amaan oo ku booriyay ardayda qalinjabinayshay in ay isbedel Horumarineed ka keenaan hirgalinta qorshaha ee siyaasada caafimaadka dalka ee qorshaha GTP2ga islamarkaasna ka midhodhaliyaan dadaalkii ay xukuumadu galisay Una adeegaan bulshadii ay wax u soo barteen.
Isku soo wada duub oo xukuumada DDSI ayaa sanadihii u danbeeyay ku talaabsaday horumar baaxad leh oo dhinacyada waxbarashada nuucyadeeda kaladuwan taas oo soojiidatay indhaha caalamka gaar ahaan wadamad aan dariska nahay waxayna awooday xukuumada DDSI in ay sanadihii ugu danbeeyay deeq waxbarasho siiso wadamada aan dariska nahay ee somaliland, putiland iyo jubaland waxaanay xusid mudan in ay ardaydan maanta ka qalin jabisay kuliyada caafimaadka ee jigjiga ay ka mid ahaayeen 30 arday oo bartay xirfadaha caafimaadka kuwaasi oo ahaa ardayda deeqda waxbarasho ay siisay xukuumda DDSI kuwaasi oo ah arday u dhasha somaliland iyo putiland.