Goday(cakaaranews) sabti, 4ta June 4, 2016, Waxaa maanta ka bilowday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI qaybteeda Goday imtixaanka xaqiijinta tayad ardayga ee loo yaqaano COC kaasi oo ay u fadhiisteen imtixaankan 121 oo arday kuwaasi oo hore u soo dhamaystay waxbarashada level 1ka ee kuliyada gaar ahaan cilmiga ganacsiga iyo dhaqaalaha (business and finance)
Waxaana imtixaankan soo diyaariyay xarunta Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha DDSI (COC) waana mid loogu talagalay in lagu xaqiijiyo tayada ardayga iyo waliba hubinta ardayga aqoontii, xirfadiisa iyo cilmigii uu bartay heerka uu gaadhsiisan yahay.
Imtixaankan ayaa ah mid sanad kasta laga qaado ardayda waxka soo baratay kuliyadaha kala duwan ee deegaanka waana mid lagu xoojinayo laguna xaqiijinayo tayada aqoonta iyo xirfada ardayga.