Addis-Ababa,(cakaaranews) Arbaca, 18ka May, 2016 ,Waxaa maanta lagu soo gabagabeyay xarunta dalka ee Addis ababa shirka wadatashiga 6dii biloodlaha ee Dawladda deegaanada, iyo deeq-bixiyeyaasha oo socday mudo 3 cisho ah kaasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socday wasaaradaha heer fadaraal , Dawlad Deegaanada dalka iyo Deeq - bixiyeyaasha caalamka sida :- World bank, European union, Austerian fund iyo African Dev't bank.
Waxaana shirkan soo xidhitaankiisii ka hadlay Wasiiru Dawlaha Wasaaarada Maaliyada iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ( MOFEC ) ee JDFI mudane Ahmed Shide wuxuuna sheegay in mudadii uu socday shirani lagu qiimaynayay Waxqabadkii Fulinta barnaamijka kor-u-qaadida adeegyada aas - aasiga (PBS III) ee dhinacyada Caafimaadka , waxbarashada, jidadka, beeraha, biyaha, dakhliga & nidaamyada maamulka maaliyadeed ( PFM ) Sidoo kalena lagu soo jeediyay daraasado iyo Qiimayno laga sameeyay deegaanada dalka.
Dhanka deegaanka soomalida itoobiya waxaa shirkan qiimaynta qaybgalay wafti uu hogaaminayo wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin ka kala socda xafiisyada: Baarlamanka, Biyaha, Maaliyada, Caafimaadka, Beeraha, Waxbarashada iyo Dakhliga.