Image may be NSFW.
Clik here to view.jigjiga(Cakaaranews ) arbaco 8da June 2016. Waxaa saaka si rasmi ah dhamaan DDSI uga bilawday imtixaankii heer deegaan ee fasalka 8aad kaasoo kabilawday 447 goobood oo deegaanka ah islamarkaana ay u fadhiisteen imtixaanka arday tiradoodu kor u dafayso 26,753 oo arday.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Hadaba madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in imtixaankii heer deegaan ee fasalka 8aad uu maanta si rasmi ah uga bilawday dhamaan DDSI islamarkaana ay imtaxaanka u fadhisteen arday tiradoodu kor u dhaafayso 26,753 oo arday. wuxuuna intaa ku daray madaxwayne kuxiigeenku in sidookale imtixaanka heer qaran ee faslka 10 aad uu si habsami leh u dhamaaday islamarkaana ay imtaxaanka u fadhiisteen arday tiradoodu kor u dhaafayso 16,344 arday.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Ugudanbayna wuxuu xusay madaxwayne ku xigeenku in imtaxaanka heer qaran ee fasalka 12aad uu bilaaami doono 27ka bisha sane 2008 T.i iyadoo imtaxaankana ay u fadhiisan doonaan arday tiradoodu kor u dhaafayso 8753 oo arday.