Qabridahar (cakaaranews) Arbaca, 23, March , 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayaan gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq Ibraahin, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, wasiirka waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Khayr, masuuliyiin sare oo heer deegaan ah iyo gudoomiyayaasha gobolada Jarar iyo Qoraxay ayaa maanta socdaal dheer ku maray mashaariicaha horumarka waara ee laga hirgalinayo gobolada jarar iyo qoraxay.
Haddaba Ujeedada socdaalka waftigan ayaa ahayd in ay dabagal lagu sameeyaan geedi socodyada shaqo ee mashaariicaha waawayn oo iskugu jirra kuwa ay degmooyinku fulinayaan iyo mashaariicaha horumarka waara ee SDG.
Waftigan oo habeenkii xalay ahaa u hoyday magaalada dhagaxbuur ayaa waxay maanta booqdeen mashruuca biyo xidheenka laga hirgaliyay tuulada hoodaale ee degmada dhagaxbuur , Mashruuca biyo xidheenka degmada birqod kuwaasi oo ah mashaariicaha biyo xidheenada ay fulinayaan degmooyinku
sidoo kale waftigani waxay booqdeen mashaariicaha horumarka waare oo kala ah mashruuca Baka, Goomaar, Wijiwaaji iyo Maraacaato kuwaasi oo ku kala yaala gobolada Jarar iyo Qoraxay waana mashaariicaha biyo xidheenada waawayn ee looga faa’iidaynayo bulshada gaar ahaan dhinaca wax soo saarka beeraha.
Madaxwaynaha iyo waftigan ku wehelinayay socdaalka ayaa waxay mashruuc kasta oo ay booqdaan kaga dhagaysanayeen warbixinta shaqo ee mashruuca enjineerada iyo hawlwadaanada gacanta ku haya fulinta mashaariicahaasi
Dhanka kale madaxwaynaha DDSI iyo waftigan ayaa magaalooyinka iyo tuulooyin ay mareen si sidiiran shacabku ugu soo dhawaynayeen. waxaana xusid mudan in madaxwaynaha DDSI munada Cabdi Maxamuud Cumar uu goobkasta oo uu shacabka kula kulmo ku boorinayay in ay illahay baryaan oo ay roobtoon akhristaan maadaamo oo lagu jiro xili ay roob la aani ka jirto deegaanka gaar ahaan goobaha ay waftigani marayeen.
Ugu danbayntii waftigan ayaa galabnimadii maanta ku soo dheelmaday magaalada qabrihadar ee xarunta gobolka qoraxay halkaasi oo ay caawo u hoyanayaan.