Jigjiga(Cakaaranews) khamiis, 9ka, June, 2016 Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Maxamed Daahir Ismaaciil oo xafiiskiisa ugu waramaya warbaahinta DDSI ayaa ka warbixiyay dadaalada xoogan ee xafiisku ugu jiro sidii loo xakamayn lahaa saamaynta ay keenaan masiibooyinka dabiiciga ah.
Wuxuuna sheegay wasiirku in dhawaan xafiisku kulan la yeeshay xafiisyada horumarka DDSI sida xafiiska caafimaadka, biyaha, waxbarashada, xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah iyo haya’daha ay bahwadaagta yihiin xafiiska.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in kulankaasi lagu sameeyay kooxo khabiiro isku dhaf ah, kuwaasi oo hadda loo kala diray dhamaanba degmooyinka deegaanka si ay u soo qiimeeyaan saamaynta ay gaysteen roobabkii guga ee dhawaan guud ahaanba deegaaka ka da’ay gaar ahaan xaalada ay ku yeesheen nolosha bulshada xoolo dhaqatada ah iyo dhinaca suuqgaynta. Sidoo kale waxa uu tilmaamay wasiirku in khabiiradan isku dhafka ah ay daraasaad ku soo sameeyaan bulshada ay saamaysay cimilada isbadashay si loo gaadhsiiyo gar-gaarka ay u baahan yihiin.
Ugu danbayntii wasiirka ayaa sheegay in daraasaadka noocon oo kale ah uu xafiisku sanadkiiba laba jeer sameeyo isaga oo kaashanaya xafiisyada iyo hay’adaha ay bahwadaagta yihiin wuxuuna sheegay in muddo 23 maalmood ah lagu soo gabagabayndoona daraasaadkan.