Jigjiga, (Cakaaranews) khamiis, 26, May, 2016 Wasiirka caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin sare oo ka socday hay'ada Save the children international kuwaasi oo ay hogaaminayaan masuulka u fadhiya hay'ada save the children dalkeenan itoobiya mudane John Graham iyo masuulka hay'adan u qaabilsan wadamada bariga iyo koonfurta qaarada Africa mudane David Wright oo fadhigiisuna yahay dalka koonfur Africa.
Kulan kaasi dhexmaray masuuliyiintan ayaa waxay ahayd ujeedadiisu sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay'ada iyo xafiiska caafimaadka DDSI si loo sii tayeeyo adeeg caafimaad ee gaar ahaan kuwa reer guuraaga ah.
Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid oo si qoto dheer ugu mahad celiyay hay'ada save the children kaalintii ay ka gaysteen wax ka qabadkii bulshada ay abaaruhu saameeyeen ee gobolka Sitti. Waxaakale oo uu ku amaanay hirgalinta mashruuca wayn ee isku dhafka ah ee magaciisa loo soo gaabiyo PDP (Pease and development programme) kaas oo wax wayn ka qabtay hirgalinta hawlaha horumarka DDSI.
Wasiirka ayaa u soo bandhigay masuuliyeenta hay'ada in ay kala shaqeeyaan xafiiska qorshaha ah sidii loo samayn lahaa qaab ku ha boon sidii reer guuraaga oo lagu gaadhsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh qorshahaasi oo ay ka mid yihiin sidii loo samayn lahaa xarumo caafimaad oo wareega (gaadhi loo sameeyay qaabkii xarun caafimaad oo bixin kara adeegii caafimaad ka ee ay bixin lahayd xarun caafimaad kaas oo u noqda referal point ama goobtii ay u soo gudbin lahaayeen shan kooxood oo ah kooxaha caafimaad ka wareega) iyo in la helo sanduuqada talaal (cold boxes and vaccine careir) ku shaqaynaya solar system si uuna talaalku u dhimanin qaboojiye la'aan islamarkaana loo gaadhsiiyo reer guuraaga ku nool goobaha ka fog xarumaha iyo rugaha caafimaadka.
Dhankooda masuuliyeenta ha'ada ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wada shaqaynta fiican ee ka dhaxaysa ha'ada iyo xafiiska caafimaadka iyo guud ahaan xukuumada DDSI taas oo ay sheegeen in ay ku sii dhiiri galinayso in ay sii balaadhiyaan mashaariicda ay kawadaan deegaanka siina wadi doonaan dadaal kooda ay la garab joogaan xafiiska caafimaadka gaar ahaan xiliyada xaaladaha dag-daga ah (Emergency)