Jigjiga(CN) Jumce 12 February 2016, Tababar ujeedadiisu tahay barashada iyo isticmaalka softwer ka looyaqaano Moodle oo loogu talagalay qaadista imtixaanaadka COC ga ayaa loo soo gabagabeeyay qaar kamida Shaqaalaha (COC) Xarunta Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha DDSI.
Tababarkan oo ay bixinayeen khabiiro udhashay dalka islamarkaana ka socday haayada caalamiga ah ee looyaqaano JHPIEGO taasoo ka shaqaysa hawlaha tayaynta waxbarashada iyo imtixaanaaadka ayaa waxaa loohayay shaqaale tiradoodu dhantahay 12 xubnood kuwaasoo labarayay casharo ku aadan habka imtaxaanaadka iyadoo loo marayo Technology ga cusub (COC exam for computer system).
Hadaba tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisi kahadlay Kusimaha Xarunta Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ahna Gadh-GS T Maaraynta Cududa shaqaalaha ee xarunta COC Mudane Maxamed Axmed Daahir oo sheegay in tababarkani uu socday 2 cisho islamarkaana shaqaalihii qaatay tababarkan ay ku barteen cashara muhiima taasoo lagaga gudbayo habkii imtixaanka xaqiijinta tayada xirfada ee lagaga qaadi jiray aradayda Qoraal ahaan loona badalayo nidaam computer ah iyadoo la adeegsanayo softwere ka (Moodle).
Ugudanbayna waxa uu masuulku kula dardaarmay tababartayaasha in ay si muwaadinimo leh oo daacadnimo ku dheehantahay uga faa iideeyaan casharada ay barteen deegaanka.