Jigjiga(cakaaranews) Sabti, 11ka, June, 2016 Tababar ay si wadajir ah u soo agaasimeen xafiiska caafimaadka DDSI, Ururka horumarinta soomaalida Itoobiya iyo hay'adda ACPA oo ku saabsanaa Qorshaha Qoyska (Comprehensive family planning) islamarkaana socday muddo 12 maalmood ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee Meles zinawi memorial Referal Hospital.
Tarbarkan oo loo hayay 23 xirfadlayaal caafimaad oo ka kala socday gobolada;- Sitti, Nogob, Afder iyo Faafan gaar ahaan degmooyinka uu ka hawlgalo mashruuca RIF ayaa waxay ujeedadiisu ahay in la kobciyo garaadka aqooneed xirfadlayaasha caafimaadka ka hawlgala xarumaha caafimaadka ee ku aadan bixinta adeega qorshaha qoyska ee casriga ah (modern family planning) waana qorshee ah istaraatiigiyadaha hoos loogu dhigo dhimashada hooyada iyo dhalaanka
soo xidhitaankii tababarka ayaa waxaa ka hadlay maareeyaha guud ee mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee loo yaqaano RIF mudane Shaafici Daahir Muuse oo yidhi "Tababar la qaataa oo kaliya macno ma keenayso ee waxaa loo baahan yahay in lagu daro muwaadinimo, ka go'naansho, qadarin iyo u danqasho u madeena". Masuulka ayaa kula dardaarmay xubnihii tababarka qaatay inay bulshada uga faaiideeyaan uguna adeegaan cilmigii ay 12ka maalmood baranayeen.
Waxaa kale oo ka hadlay Ku xigeenka ahna ku simaha maareeyaha guud ee Ururka hormarinta soomaalida itoobiya mudane Cabdikhadar Ilyaas Gaaruf oo sheegay in hadii la helo hooyo caafimaad qabta la helayo ilno/cunug caafimaad qaba, haddii la helo hooyo iyo ilmo/caruur caafimaad qabta in la helay qoys caafimaad qaba, kadib bulsho caafimaad qabta kadib umad iyo wadan caafimaad qaba, waana mid kamida qorsha yaasha GTP-2ga. Ayuu yidhi masuulku.
Waxaa dhankiisa hadala kooban ka soo jeediyay wakiilkii hay'ada ACPA ka socday mudane Badal Faarax, oo sheegay tababarkani inuu aad muhiim ugu yahay xirfadlayaasha caafimaadka ka hawlgala xurumaha caafimaadka ee ku hawlan sidii ay bulshada u siin lahaayeen adeeg caafimaad oo tayo leh maadaama uu aqoon tooda dhanka qorshaha qoyska kor u qaadayo.