Jigjiga(Cakaaranews), talaado, 7da June, 2016Waxaa Maanta Hoolka Shirarka Qaryaan Dhoodaan kabilaabmay Shirkii Qiimaynta waxqabadka 11kii bilood ee sanad miisaaniyeedka 2008TI ee Maamulada Magaalooyinka DDSI ee kala ah Jigjiga,Godey, Qabridahar iyo Dhagax-buur.
Shirkaas oo uu Hogaaminayay madaxwayne ku xigeen ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka Dhismaha iyo Warshadaha mudane cabdixakiin cigaal cumar oo ay kuwehelinayen Wasiir ku xigenka Xafiiska Maamulka Mudane Deeq Cabdilaahi Burale iyo Wasiirka Maaliyada Mudane Axmed cabdi maxamed ayaa waxay ujeedadiisu ahayd mid lagu qiimaynayo waxqabadka 11kii bilood ee sanad miisaaniyeedka 2008TI ee maamulada magaalooyinka DDSI.
Waxaana ugu horayntii shirkaasi ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarina magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar oo soo bandhigay anjandayaasha shirkan qiimaynta ah iyo meelaha diirada la saaridoono mudada uu socdo. wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in layskula xisaabtamayo fulinta qorshayaashii la kala qaatay ee dhinacyada adeeg bixinta, hirgalinta jidadka maamulada magaalooyinka, horumarinta iskaashatooyinka iyo abuuritaanka ilaha shaqada, nadaafada iyo bilicda maamulada magaalooyinka iyo waliba nidaamka dakhli ururinta wuxuuna madaxwayne ku xigeenku ku booriyay in ay masuuliyiinta maamulada magaalooyinku si cad cadaan iyo isla xisaabtan leh u soo bandhigaan warbixinta waxqabadkooda.
Shirkan qiimaynta ah ee waxqabadka maamulada magaalooyinka ayaa sii socondoona maalmaha soo socda.