jigjiga(CakaaraNews) Isniin, 23da May, 2016 Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa maanta soo gabagabeeyay Tababar ay ujeedadiisu ahayd kor u qaadida nidaamka maamulka maaliyadaha Institutional training (all in one) kaasi oo loo hayay shaqaalaha xafiisyada maaliyadaha degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI
Xafladi lagu soo xidhayay tababarkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed, wasiir ku xigeenka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha mudane Jamaal Faarax Warmooge iyo maareeye ku xigeenka kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI mudane Ismaaciil Maxamed.
Waxaana ugu horayntii ka hadlay wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed wuxuuna sharax dheer ka bixiyay ahmiyada uu lahaa tababarkaasi isaga oo sheegay in uu ka mid yahay qorshayaasha lagu xoojinayo ka midha dhalinta qorsha isbadalka koboca dhaqaalaha jaan-qaadkiisa 2aad ee dhinaca nidaamka maamulka maaliyadaha iyo meelmarinta shuruucaha maaliyadaha wuxuuna kula dar daarmay wasiirka tababartayaashan in ay sidii loogu talagalay u meelmariyaan cashiradii ay ka barteen tababarkan
Dhankiisa wasiirku xigeenka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal faarax warwooge ayaa si qoto dheer uga warbixiyay ujeedooyinka tababarkaa wuxuuna ku booriyay tababartayaasha in cashiradii ay qaadanayeen noqdaan kuwa wax ka badala adeegyada ay hayaan islamarkaana sii xawaare galiya qorshayaasha horumarineed.
Tababarkan oo socday mudo 15 maalmood ah ayaa waxaa ka mid ahaa cashirada lagu baranayay Nidaamka Qorshaynta ku salaysan natiijada ( Result based planning), Diyaarinta iyo Maamulka Miisaaniyada, nidaamka kharashbixinta iyo Maamulka lacagta, Xisaabadka, nidaamka Iibka iyo Maamulka hantida, Hantidhowrka gudaha, Cadcadaanta iyo islaxisaabtanka maaliyadeed (FTA) iyo dhamaan shuruucda Maaliyadeed ee dalka iyo DDSI.
Ugu danbayntii waxa shahaadooyin la gudoonsiiyay tababartayaashii dhamaystay tababarkan