Jigjiga(cakaaranews) isniin, 2da, May , 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka kulan lagaga hadlayay kor u qaadida nidaamka miisaaniyadaha(PFM) kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa waxaa loo qabtay maamulada degmooyinka sida gudomiyeyaasha degmooyinka , madax xafiiseedyada maaliyadaha , madax xafiiseedyada biyaha & gadhwadeenada qorshaynta iyo miisaaniyada,
Kulankaasi oo socday mudo 2 maalmood ah ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska maaliyada oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed, wasiirka ku xigeenka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo ka hadlay soo gabagabadii kulankaasi ayaa sheegay in mudadii uu socday kulankaasi lagaga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa kor u qaadida nidaamka maamulka maaliyadeed ( PFM ) kaasi oo aas aas u ah gaadhida hiigisa horumar waara oo dhinac kasta leh. Wuxuuna sheegay wasiirku in deegaankeenu uu safka hore kaga jiraa kor u qaadida maamulka nidaamyada maaliyadeed ee degaanada dalka taas oo ku timid Dadaal iyo ka go’naansho dhanka hogaaminta ugu saraysa deeganka iyo shaqooyin lagu Diirsaday ee ay qabteen heerarka kala duwan ee qaabdhismedka DDSI, haddaba si loo joogteeyo guulahaas kor-u- qaadida nidaamka maaliyadeed Waxa lagama marman ah in marwalba laga wada tashado halka la marayo nidaamka miisaaniyadaha.
Gabagabadii kulankaasi ayaa waxaa ka soo baxay fikir midaysan oo ah sidii loo sii xoojin lahaa nidaamyada maamulka maaliyadeed ( PFM ) ee dhinacyada : shuruucaha maaliyadeed, qorshaynta miisaaniyada, Dakhli ururinta, kharash bixinta, maaraynta lacagaha, xisaabaadka, Iibka iyo maamulka hantida, hanti dhawrka gudaha iyo barnaamijka cadcadaanta iyo islaxisabtanka maaliyadeed ( FTA ).