Fiiq, (cakaaranews) Isniin, 30ka May, 2016 Wafti uu Hogaaminayo Wasiir Ku xigeenka Qurbajoogta DDSI Ahna Ku simaha Xafiiska Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi Khaliif Buraale (dhoombe) oo ay ku Wehlinayo Mareeye Ku xigeenka ururka Hormarinta Somalida itoobiya Ahna Ku simaha UHSI Mudane Cabdikhadar Ilyaas Gaaruf ayaa gaadhsiiyay dugsiga hoyga agoonta ee magaalada fiiq koonteenar deeq ah.
Deeqdaasi oo ka timiday Jaaliyadda DDSI ee wadanka Australia ayaa waxa ahayd Konteenar Agab kala duwan sida aaladaha cumputerka, Sariiro, Furaashyo, Dhar, Buugaag, Qalimaan, Agabka-caruurtu ku ciyaarto, iyo agab kale oo kala duwan. xaflada lagula kala wareegayo deeqan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta gobolka Erar, kuwa degmada fiiq iyo masuuliyiinta dugsiga hoyga aqoonta ayaa ka dhacday dugsiga hoyga aqoonta ee fiiq.
Waxaa Xaflada ugu Horeyn ka Hadlay Gudoomiyaha Gobolka Erer Mudane Axmed Xaaji Adan oo uga Mahad Celiyay dhamaan masuuliyiinta, qurbajoogta iyo Jaaliyadda DDSI Ee Australia oo Deeqdan Soo gaarsiisay. Wuxuuna Sheegay in ay tahay Arrin aad u Farxad galineyso Caruurta Agoonta Ah ee Wax Barta Dugsiga Hoyga Agoonta Ee magaalada Fiiq oo ah arday ay waalid koodii dileen hadhaagii UBBO.
Waxaa kaloo halkaasi ka Hadlay Maareeyaha Dugsiga Hoyga Agoonta Magaalada Fiiq Marwo Ubax Mursal oo uga Mahadcelisay jaaliyadda DDSI Ee Australia ay Yihiin jaaliyad Kaalinteedi kaga Aadan Taageerada dugsiga Hoyga Agoonta ee Magaalada Fiiq ay ka soo baxeen Kaalintoodii.
Ugu danbayntii Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Wasiir Kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi Khaliif Buraale ( Dhoombe) oo Sheegay in Markii Hore Qurbajoogta Ay Aaminsanaayeen Fikirado Khaldan Markey Xukuumadda DDSI uu Hogaaminayo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar u Sheegay Xaqiiqada Ka Jirta Deegaanka ay Garowsadeen taasina ay tahay tan Maanta Qurbajoogta DDSI u Taagan sidii Shacabka Deegaanka ay Deeq iyo Taageero ay u Garab Taagan Yihiin.