Jigjiga(cakaaranews) axad, 5ta, may 2016, Waxaa guud ahaanba caalamka sanadkasta bisha may 5teeda lagu xusaa maalinta ilaalinta deegaanka taasi oo deegaanka maanta laga xusay sanad guuradii 44aad ee maalinta ilaalinta deegaankav iyada oo lagu xusay dhirbeeris.
Haddaba xaflad lagu xusayay munaasabadan sanad guurada 44aad ayaa ka dhacday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin maareeyaha wakaalada ilaalinta deegaanka, kaymaha, macdanta iyo tamarta DDSI mudane Axmed xabiib, maareeye ku xigeenka wakaalada mudane cabdirisaaq dayib, shaqaalaha xafiiska iyo marti sharaf kale oo lagu maamuusay
Munaasabadan oo lagu xusayay dhirbeeris kadhacaday kuliyadaasi ayaa waxaa ugu hortayntii ka hadlay maareeyaha wakaalada ilaalinta deegaanka mudane Axmed Xabiib oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay xuska maalintani ilaalinta deegaanku isaga oo sheegay in deegaanku dadaalo balaadhan kasameeyay hirgalinta siyaasada cagaaran ee dalkeenan itoobiya islamarkaana uu horumar balaadhan ka hirgalinta qorshayaashii qaraaradii shirwaynihii caalami ee cimilada aduunka sidii looga hortagilahaa isbedelka cimilada iyo wasakhawga hawada ee qiiqa sababo taas oo lagaga hortagi karo in ladaryeelo lana ilaaliyo deegaanka iyo dhirta oo labeero lana cagaariyo bay ada aynukunoolnahay taas oo sharax dheer ka bixiyay nidaamka loo ilaaliyo deegaanka.
Musaasabadan oo halku dhig looga dhigay AAN LADAGAALANO KAGANACSIGA SHARCIDARADA AH EE DUURJOOGTA ayaa waxaa Dhankiisa isna ka hadlay ku xigeenka wakaalada ilaalinta deegaanka mudane Cabdirisaaq Dayib oo si qoto dheer u iftiimiyay ahmiyada ay maalintani u leedahay deegaanka iyada oo uu xusay in maanta ka deegaan ahaan qaateen in ay ku muujiyaan munaasabadan dhirbeerid kaasi oo ka qayb ah qorsha horumarinta cagaaran ee dalka iyo deegaankaba