Jigjiga ( cakaaranews ) Talaado 24ka May 2016. Xalfad si heer sare ah uu u soo agaasimay xafiiska arimaha Haweenka iyo caruurta DDSI oo lagusoo dhawaynayay xuska munaasabada rubuc qarniga ee 20 ka ginbood oo ay Kasoo qayb galeen qaar kamid ah ciidanka qaranka dalkeena itopiya,federal poliska ,pooliska Degaanka masuuliyiin ka socday xafiisyada kala duwan ee deegaanka iyo haweenka degaanka ayaa ka Qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.
Waxaana ugu horayn xafladan ka hadlay wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta marwo raxma Suldaan maxamuud haybe oo sheegtay in xafladan tahay mid lagu soo dhawaynayo maalinka Qaaliga ah ee 20ka ginbood oo ah maalinkii xididada loo siibay xukunkii kaligii taliska ahaa ee dhergiga Kaasoo cadaadis ku hayay dhamaan dalkeena itoopiya balse uu xisbiga EPRDF ka tuuray talada islamarkaana uu Sameeyay nidaam dimuqraadiyadeed oo federalism ah kaasoo deegaan walba isku maamulo afkiisa Waana tan keentay horumarka ka muuqda deegaan keena.
Ugu danbayna waxa uu masuulku sheegay inaan si heer sare ah usoo dhawaynayno xuska sanad guurada 25aad ee 20ka ginbood sidoo kalana waxa iyana dareenkooda kahadlay qaar ka mid ah kasoo qayb galayaasha Xaflada oo sheegay inay aad usoo dhawaynayaan maalinka qaaliga ah ee 20ka ginbood oo ah Maalinkii aan gaadhnay Nabada, Horumarka iyo Xoriyada aan kunaa loonayno maanta.