Jigjiga (cakaaranews) khamiis, 2da, June, 2016 Ururka horumarinta soomalida itoobiya ayaa xaflad casho sharaf ah oo si aad u qurux badan loo soo diyaariyay u qabtay jaaliyada DDSI ee wadanka Australia ee xubnaha ka ah UHSI. Xafladaasi oo ka dhacay huteelka Nogob ee magaalada jigjiga ayaa waxaa ka soo qaybgalay maareeye ku xigeenka ururka horumarinta somalid itoobiya ahna ku simaha UHSI mudane Cabdikhadar Ilyaas Gaaruf, masuuliyiin heer deegaan ah, jaaliyada loo sameeyay xaflada iyo xubno ka mid ah qurba joogta DDSI ee ku sugan caasimada DDS.
Waxaana xafladaasi casho sharafta ah ugu horyntii ka hadlay ku simaha maareeyaha UHSI ahna maareeye ku xigeenka UHSI mudane Cabdikhadar Llyaas Gaaruf oo ugu hoyntii ka warbixiyay taariikhda iyo waxqabadka ururka horumarinta soomalida. Wuxuuna sheegay in tan iyo intii la hirgaliyay UHSI uu wax wayn ka qabtay guulna ka soo hooyay dhinacyada adeegyada aas aasiga ah ee bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, helitaanka biyaha nadiifta ah iyo wacyigalinta bulshada.
Waxaa kale oo uu ku simaha maareeyuhu ka warbixiyay ujeedada iyo ahmiyada xaflada casho sharafta ah taasi oo uu sheegay in ay dulucdeedu tahay mid lagu casuumay xubnaha jaaliyda DDSI ee wadanka Australia ee xubnaha ka ah UHSI waxaana loogu mahad celinayaa ayuu yidhi masuulku kaalinta ay ka gaysteen ka qayb-qaadashada hawlaha horumarka deegaanka gaar ahaan koonteenarkii agabka kala duwan ahaa ee ay dhawaan gaadhsiiyeen jaaliyadani dugsiga hoyga agoonta ee magaalada fiiq.
Dhankooda xubnihii qurba joogta ahaa ee loo sameeyay xaflada casha sharafta ah ayaa siwayn ugu mahad naqay masuuliyiinta UHSI. waxayna ka warbixiyeen dadaalka ay xukuumada DDSI ee dhinaca kor u qaadida xidhiidhka qurba joogta DDSI iyo guulaha ay ka soo hoysay dhinaca hirgalinta qorshaasha horumarineed waxayna sheegeen in ay sii xoojinayaan ka qaybgalka hawlaha horumarka deegaanka.
Gabagabadii xafladaa casho sharafta ah ayaa masuuliyiinta ururka horumarinta soomalida itoobiya waxay shahaadooyin sharaf gudoonsiiyeen jaaliyada DDSI ee Australia ee xubnaha ka ah UHSI.