Jigjiga(cakaaranews) Isniin, 2da May , 2016. xidhiidhiyaha kor uqaadida caafimaadka, nadaafada iyo fayadhowrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdishakuur Cabdulaahi Axmed oo u waramayay shabakada wararka ee cakaaranews wakhti uu ka soo noqday kormeer shaqo oo uu ku soo maray degmooyinka gobolka Erer ayaa sheegay in natiijo guul ah lagu soo gabagabeeyay talaalkii isku dhafka ahaa qaybtiisa talaalka ka hortaga cudurka dabaysha (polio) ee todobaadkii hore laga bilaabay guud ahaanba deegaanka.
Wuxuuna sheegay in talaalkan oo iskugu jiray laba nooc oo kala ah talaalka ka hortaga cudurka dabaysha/polio oo ahaa nooca afka qalaad lagu yidhaahdo trivalent OPV uu ahaa kii ugu danbeeyay ee la siiyo caruurta da’doodu ka yar tahay shan sano jir kaasi oo sidii loogu talagalay loo gaadhsiiyay caruur tiradoodu dhan tahay 998,917 oo u dhigan in la gaadhay 99% qorshihii yaalay talaalkan. Wuxuuna sheegay masuulku in hada ka dib loo guurayo nooca loo yaqaano Bivalent ,OPV kaasi oo lagu bixindoona goobaha caafimaadka ee barnaamijka talaalka joogtada ah.
Wuxuuna sheegay masuulku in talaalka 2aad oo ahaa talaalka ka hortaga cudurka jadeecada oo laga talaalayay caruurta dadoodu u dhaxayso lix bilood ilaa shan iyo toban sano jir in uu wali goobaha qaar ka sii socto si loo gaadhi ilmo kasta oo ay da’diisu ka hoosayso 15 sano jir oo ku dhaqan deegaanka gaar ahaan kuwa ku nool miyiga fog-fog.
Ugu danbayntii masulka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay fariin uu u dirayo waalidiinta dhashay caruurta da’doodu ka hoosayso 5 sano jir in ay ku xidhnaadaan goobaha caafimaadka ee ay xukuumadu ugu diyaarisay talaalka joogtada ah si looga hortaga cudurada dilaaga ah ee talaalka lagaga hortagi karo.