Jigjiga (cakaaranews) Arbaca, 25ka May, 2016 Waxaa guud ahaanba dalka si meeqaam sare ah loogu soo dhawaynayaa dabaal daga munaasabada sanad guurada 25 jirsatay ee gush 20ka ginbood taasi oo ay dalka iyo deegaanada ka socdaan fagaarayaal lagu soo bandhigayo soonyaalka taariikheed ee guusha 20ka nignood.
Haddaba waxaa maalmihii ugu danbeeya ka socday deegaanka kulamo doodcilmiyeed ah oo lagu soo bandhigayo guulaha ay hor seeday 20ka ginbood. waxaana maanta ka qabsoomay hoolka shirarka ee SMCX kulan doodcilmiyeed ah oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta iyo shaqaalaha hay’adaha cadaalada DDSI iyo masuuliyiin heer deegaan ah.
Kulankaasi dood-cilmiyeedka ah waxaa hogaaminayay wasiirka xeer ilaalinta guud iyo cadaalada DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi kaasi oo soo bandhigay qoraal dheer oo ku salaysan soonyaalkii taariikheed ee guusha 20ka ginbood. Wuxuuna sheegay wasiirku in ay xukuumada DDSI iyo shacabka deegaankuba ay wadaan fagaarayaal loogu diyaar garoobayo xisitaanka guusha 20ka ginbood laguna soo bandhigayo taariikhda iyo guusha 20ka ginbood iyo waliba jihooyinka lagu sii joogtaynayo horumarinta guusha 20ka ginbood.
Dood cilmiyaadkaa oo lagu soo bandhigay warbixin ka hadlaysa soonyaalka taariikheed ee guusha 20ka ginbood ayaa waxaa Dhankooda ka soo qaybgalayaashii dood-cilmiyeedkaasi ay si qoto dheer u iftiimiyay guushii iyo natiijooyinkii laga dhaxlay 20ka ginboon waxayna hoosta ka xariiqeen in ay soo xoojinayaan guusha 20ka ginbood.