Image may be NSFW.
Clik here to view.Jigjiga(CN) Axad, 7da February 2016, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kadib xadhig kajarkii warshada saliida imwaan maanta kulan layeeshay ardayda lashaqaalaysiinayo wajiga 2, aad ee iyagu gacantooda isku meelaynaya oo hawshoodu kasocoto hoolka shirarka ee sayidka.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Madaxwaynaha ayaana uga waramay ardaydan dhibaatadii nidaamka shaqaalaysiinta ee hada kahor kajirtay deegaanka. Wuxuuna kubooriyay ardaydan inay si daacadnimo leh utagaan goobaha nasiibka gacantoodu kumeelayso uguna shaqeeyaan shacabka si wadaniyad leh.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Dhanka kale, ardaydii lashaqaalaysiinayay oo iyana goobta kahadlay ayaa si farxadi kudheehan tahay usoo dhaweeyay hadaladda madaxwaynaha. Waxayna dhamaantood balan qaadeen inay si kago’naansho leh utagi doonaan goob kasta oo nasiibkoodu kumeeleeyo iyo waliba inay shacabka ugu shaqayn doonaan iyagoo waajibaadkooda gudanaya si daacadnimo iyo xilkasnimo leh maadaama ay nooca shaqaalaysiintani tahay mid aan deegaanka horay uga dhicin oo cadaalad kusalaysan. Xukuumaduna u hagar baxday ardayda soo qalinjabisa.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hadaba tirada ardaydan wajiga 2, aad ee shaqaalayssiintoodu socoto maanta ayaa kor u dhaafaya 1,500 oo isugu jira heerarka diploma iyo degree labadaba iyadoo wadarta labada waji ee shaqaalaysiinta ardaydu noqonayso 4,500 ayaa waxaa wali kadhiman qorshihii kal-fadhiga 5,aad lagu ansixiyay ee ahaa in 7kun lashaqaalaysiiyo 2,500.