Jigjiga(cakaaranews) Axad, 24, April, 2016, Waxaa maalintii labaad ka socda hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan shirwaynihii qiimaynta waxbarashada heer qaran ee waxqaadka sagaalkii bilood ee ugu danbeeyay waxaana qiimayntan diirada lagu saarayaa nidaamka fulineed ee qorshihii waxqabadka 9kii bilood ee u yaalay xafiisyada waxbarashada deegaanada iyo wasaarada waxbarashada dalka.
Shirkan qiimaynta ah oo uu hogaaminayo wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI mudane Shiferaw Shiguteayaa waxa lagu soo bandhigayaa warbixinada waxqabadka xafiisyada deegaanada dalka iyada oo uu deegaan kastaaba soo jeedinayo waxqabadkii iyo guulihii uu ka soo hooyay qorshihii u yaalay xafiisyada deegaanada iyo wasaarada waxbarshada dalkeena itoobiya.
waxaana maanta ilaa shalay la dhagaystay warbixinada qaar ka mid xafiisyada waxbarashada deegaanada dalka taasi oo ay ka muuqatay guulaha laga soo hooyay fulinta qorshihii u yaalay xafiisyada waxbarashada deegaanada shirkan qiimaynta ah ayaa sii socon-doona ilaa maalinta barito ah.