Jigjiga( cakaaranews ) Arbaco 9ka March 2016, Fadlan adigoo kaashanaya, korodhsanayana aqoonta aad u leedahay guud ahaan dalkeena itoobiya gaar ahaana deegaankeena ISKUDAY inaad kajawaabto su’aalahan hoos kuqoran. Kadibna kuguulayso abaal marin.
Hadaba, wakhtiga loo cayimay kajawaabida su’aalahan waa 7maalmood oo kabilaabanaysa maanta oo Ay taariikhdu tahay 9ka March. Kuna eg 16ka March2016 Waxaadna kadib cidii kuguulaysatay iyo jawaabihiiba aad kalasocotaan www.cakaaranews.com habeenka Axada ah ee 19ka March 2016
NB. Abaal-marinta waxaa kuguulaysan:
· Qofka kajawaaba dhamaan su’aalaha.
· Cidii kajawaabta wakhtiga lacayimay kahor ayaa mudnaanta leh
Su’aaluhuna waa sidan:
- Sheeg tirada iyo magacyada Wabiyada Deegaanka mara ?
- Sheeg demagada deegaanka ugu iskuulaadka badan iyo degmada deegaanka ugu dugsi sare badan ?
- Doorashadii 1994 tii T.I. dhamaadkeedi ee ka dhacday deegaanka imisa dagmo ayay ka dhacday? Imisa xildhibaan ayaana laga soo doortay?
- Socdaalkii UBBO-Quusis ee Mw CMC kusoo maray deegaanka imisa gobal ayuu ku soo maray? Kuwayse kala ahaayeen?
- Dagaalkii xunayn imisa ayay ahaayeen tirade asxaabta iyo tirada gaaladu labadaba?
- Sheeg dagaalkii ugu horeeyay ee uu galay asxaabigii loogu magacdaray seeftii ilaahay ee Khaalid Binu –Waliid?
- Sheeg ninkii gaalka ahaa ee wakhtigii Nabiga N.N.K.H ilaahhay quraanka ku sheegay inuu diradiraa waliba Garac ah yahay?
- Sheeg tirada qoomiyadaha ee wada-dagan deegaanka Dhabuub ama deegaanka koonfureed (SNNPR)?
- Sheeg ciyaaryahankkii ugu goolasha badnaa tartankii ugu danbeeay ee kubada cagta ee looqabtay sagaalka gobal iyo Afarta Maamul Magaalo?
- Sheeg magaca buurta ugu dheer itoobiya, deegaanka ay ku taalo iyo waliba inta ay kasarayso sinaanta bada (Above the Sea Level)
F.G. fadlan akhristayaashu maskaxada ha kuhayaan in ay jawaabahooda kusoodiraan message ahaan barta aan facebook kuleenahay ee www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com . Hadaba fadlan yaysan jawaabuhu idin kanoqonin mid lawada arkayo kadib marka barnaamijka iskuday aad ku aragtaan pageka facebooga ee Halagu soodiro ciwaanada korkaku xusan. Aad ayaan ugu- mahadcelinaynaa macaamiisha tirada badan ee kuxidhan Barnaamijkan ISKUDY.