Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 28, April, 2016, Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashad DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan ayaa kulan xafiiskiisa kula yeeshay gudoomiye yeesha Gobolada iyo Degmooyinka ee gobolada Faafan iyo Siti waxayna kulankaasi ujeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa fahan buuxana looga siin lahaa maamulada barnaamijka quutinta gudsiyada oo ah mid ay dawlada deegaanka gaar ahaan xafiiska waxbarashadu fulinayo.
Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada laga leeyahay barnaamijka quutinta caruurta dugsiyada waxka barata wuxuuna tilmaamay madaxwayne ku xigeenku in loogu talagalay dugsiyada ku yaala meelaha ay abaaraha cimilada isbadashay keentay saamaysay gaar ahaana gobolka siti iyo faafan si uuna hal arday ah uga habsaamin isguulka saamaynta abaarta darteed. Wuxuuna madaxwayne ku xigeenku maamulada gobolada iyo degmooyinka kula dar dar-daarmay in ay fahan buuxa ka qaataan barnaamijkan si loogu fuliyo sidii loogu talagalay.