Jigjiga (cakaaranews) sabti 23, April, 2016 Waxaa maanta ka furmay xarunta deegaanka ee jigjiga tababar ku saabsan jihooyinka looga hortaga cudurka HIV/AIDIS, waxaana tababarkaasi soo diyaariyay xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDISKA ee DDSI.
Tababarkaasi oo loo qabtay xubnaha hormuudka ah ee xaafadaha maamulka magaalada jigjiga ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii xubnahani fahan buuxa looga siin lahaa nidaamka looga hortago loona xamakeeyo cudurka HIV/AIDISKA.
Waxaana furitaankii tababarkan ugu horayn ka hadashay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV/AIDS KA Marwo Kaamil Axmed Nuur oo sheegtay in ujeedada tababarku yahay sidi fahan buuxda looga siin lahaa xubnaha ka soo qaybgalayaasha tababarka nidaamka ka hortaga iyo xakamaynta HIVAIDIS ka, Iyadoo wasiradu kula dardaarantay xubnihii ka soo qaybgalayaasha in mudada uu socdo tababarkani ka faa-iidaystaan iyada oo tidhi” si uuna qofna si cusub u qaadin HIV/AIDIS ka aan ka soo baxno masuuliyada inaga saaran ka hortaga iyo xakamaynta HIV/AIDISka.