Jigjiga (Cakaaranews) Isniin 18ka April 2016 Sanadguuradii 6aad ee xuska 7aadka cadaalada ooy kasoo qayb galeen masuuliyiinta ugu saraysa Degaanka oy ugu horeeyaan madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo Khayraadka dabiiciga ah marwo sucaad axmed faarax madaxweyne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada mudane mowliid haayir xasan, kabaneega degaanka, odayaasha, dhalinyarta, baanbeeyda Degaank,a kooxaha fanka, iyo marti sharaf kale oo kala duwan ayaa si heer sare uga qabsoontay xarunta Degaanka magaalada jigjiga.
Hadaba munaasabada sanadguurada 6aad ee xuska 7aadka cadaalada ayaa waxaa ugu horayn ka Hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay inay manta tahay maalin aad qaali u ah sababtoo ah waxaa degaanka Ka jira cadaalad iyo sinaan dhan walba ah,waxyna madexwayne kuxigeenku intaa ku dartay in si fiican Loo hirgaliyay nidaamka maxkamadeed iyo xeer ilaalin iyo cadaaladba iyagoo loo sameeyay xarunta Tababarada garsoora yaasha.
Waxa kale oo isana ka hadlay munaasabada gudoomiyaha maxkamada guud mudane ugaas cabdulaahi maxamuud cabdi Oo isana sheegay inuu xuskani yahay xuskii 6aad ee 7aadka cadaalada ddsi isagoo dhamaanba laga Xusayo dalkeena Ethiopia kasoo halku dhag looga dhigay nidaam cadaaladeed iyo maamul suuban Waana mid ka duwan xusaskii hore isagoo kaga duwan horumarka uu degaanka ku talaabsaday maanta Iyo iyadoo jirto sinaan iyo cadaalad aan nin jeclaysi lahayn.
Dhanka kale waxa isana ka hadalay xuska wasiika xeer ilaalinta guud iyo cadaalada ddsi mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi isagoo soo jeediyay qudbad dhaxal gal ah oo dhan walba taabanaysa Isagoo sheegay inay xuskani yahay kii 6aad ee ka dhaca dalka iyo degaankaba wuxuuna wasiirku xusay in Xuskan loogu magacdaray nidaam cadaaladeed iyo maamul saabun isagoo wasiirku sheegay in Cadaalada maanta jirtaa ay kow ku timaaday halyeeyada liyuu booliska wuxuuna wasiirku intaa ku daray Inay kor u qaadeen haayadaha cadaalada iyagoo dhamaan lagu sameeyay dibu curasho sidoo kalana aan Qabanay tababaro xuquuqul insaanka ah nidaamka cadaaladeedna loo dhaadhiciyay ilaa heer tuulo ugu dabayna waxa uu wasiirku xusay inuu degaanka maanta ka Jiro nidaam cadaaladeed sinaan iyo horumar aan soo noqosho lahayn in kor loo socdo mooyee.
Sidoo kale waxa iyana xuska ka hadlay qaar kamid ah odayaasha degaanka oo ka war bixiyay xaalada uu Degaanka ahaan jiray iyo xaaladu uu maanta yahay kuna saleeyay inay laba aad ukla fog yihiin sababtoo Waxa degaanka maanta ka jira cadaalad sinaan iyo horumar balse ay ku timid dadaal dheer oy Xukumadu u gashay siday shacabkeedu ay u heli lahaayeen horumar waaro ugana saari lahayeen Saboolnimadka oo ah cadowgeena koobaad ,sikastaba ha ahatee munaasaba sanaguurada 6aad ee Xuska 7aadka cadaalada ayaa si heer sare ah uga qabsoontay dalka iyo degaankaba.