Jigjiga(cakaaranews) axad, 24ka, April, 2016 dood cilmiyeed uu soo diyaariyay xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDISKA DDSI ayaa ka dhacay caasimada deegaanka ee jigjiga. Dood cilmiyeedkaa ayaa waxa loo qabtay culimo awdiinka ku dhaqan caasimada deegaanka ee jigjiga.
Dood cilmiyeedkan ayaa waxay ujeedadiisu ahayd doorka ay culimo awdiinku ku leeyihiin ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka HIV/ADISKA gaar ahaan ka wacyigalinta qaybaha kala duwan ee bulshada
Waxaana ugu horayntii ka hadashay dood cilmiyeedkaa wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDISKA marwo Kaamila Axmed Nuur waxayna soo jeedisay warbixin qoto dheer oo ku salaysan kaalinta ay culimo awdiinku ku leeyihiin xakamaynta iyo ka hortaga cudurka HIV/AIDISKA wasiirada ayaa sheegtay in dood cilmiyeedkani yahay mid sii xoojinaya qorshayaasha lagaga hortagayo cudurka HIV/ADISKA.
Isku soo wada duub oo xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/ADISKA ee DDSI ayaa dadaal xoogan ugu jira wacyigalinta bulshada iyo dood ciliyeedada lagaga doodayo siyaabaha looga hortaga cudurkan si loo helo bulsho ka nadiif ah cudurkan oo aanu qofka u dhiman cudurka HIV/AIDISKA.