Bookh(Cakaaranews) Arbaco13ka April 2016, waxaa saaka ka bilaabatey degmada bookh ee katirsan gobolka doolo qiimayntii 9 ka bilood ee waxqabadka dhinacayada horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban kaasoo ay kasoo qaybgaleen dhamaan maamulka degmooyinka Gobalka Doolo.
Hadaba shirkan qiimaynta ah oo uu hogaaminayay gudoomiyaha Gobolka Doolo mudane Maxamuud Cali Axmed islamarkaana u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in shirkani ahaa shir qiimayn ah oo diirada lagu saarayay jihooyinkii hirgalinta qorshayaashii horumarineed ee qorshaysnaa in la qabto 9kii bilood ee ugu danbeeyay, iyo sidookale in lakalasaaro qorshayaashii fulay iyo siday ufuleen iyo waliba qorshayaasha aan fulin iyo sababta aysan u fulin.
Sidookale gudoomiyaha oo hadalkiisii siiwata ayaa sheegay in maamulada degmooyinku ay soo bandhigayaan warbixinada waxqabadkii 9ka bilood si ay ku jirto cad-cadaan iyo isla-xisaabtan islamrkaana loo gufeeyo goldaloodii ka jirtay waxqabadka rubucan soosocda.