Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 9ka April 2016 Kooxda Swansea city ayaa guuldaro dhabarka usoo saartay kooxda chelsea oo uu shaxdeeda guus hiddink isbadal wayn ku sameeyay,chalsea ayaa 32 kulan oo premier league ah xili ciyaareedkan ka heshay 44 dhibcood oo kali ah iyada oo kaalinta 7aad kaga jirta miiska kala saraynta horyaalka ingiriiska.
Hadaba iyadoo qaybtii hore ee ciyaarta ay labada kooxoodba heleen fursado fiican oo ay goolal dhawr ah lagu dhalin karayay laakiin kooxdii martida loo ahaa ee Swansea city ayaa qaybta hore awooday inay mid kamid ah fursadihii ay abuurtay ay gool ubadashay,halaka blues ay fursado dhawr ah oo ay ku barbarayn kartay ciyaarta ay heshay.
DAQIIQADII 25 aad ayay kooxda Swansea city heshay goolkeeda furitaanka ee ay hogaanka ciyaarta kula wareegtay kadib markii uu gylfi por Sigurdsson uu kooxdiisa u sixiixay goolka furitaanka waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Swansea hogaanka ciyaarta ku qabatay,inkastoo ay kooxda Chelsea ay iskudayday inay hesho gool barbaro ah balse kooxda Swansea ayay mariwayday waxayna qaybtii hore ciyaarta ku dhamaatay 1-0 ay Swansea hogaanka ciyaarta ku haysay.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ciyaarta ayay Chelsea bilowday raadiso gool barbaro kadib markii uu Alex pato uu shabaqa kasoo taabtay Swansea city laakiin calanwadaha ayaa sheegay in pato uu kubada gacanta ku taabtay tasoo keentay in aan Chelsea goolkan loo xisaabinin,ciyaarta ayaa noqotay mid sii adkaatay iyada oo waliba kaarka digniinta ahi ay tiro bateen waxayna blues dadaal badan ku bixisay sidii ay ugu yaraan ula iman lahayd goolka barbarada ah lakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay Swansea city guul ku gaadhay.