Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Qiimaynta 6da bilood iyo Heer Deegaan

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Jamce, 19ka February 2016. Waxaa saaka guriga shirarka khaaska ah ee xafiiska madaxwaynaha DDSI kafurmay shir lagu qiimaynayay waxqabadkii 6da bilood ee xafiisyada heer deegaan sanad miisaaniyeedkan 2008TI.

madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo furay shirkan ayaa tilmaamay in xafiisyada heer deegaan ay warbixintoodii lixda bilood ee ay horay usoo gudbiyeen ay soo jeediyaan iyagoo kaduulaya qorshahoodii uyiilay sanadkan lixdiisa bilood ee hore maadaama oo 3dii biloodna lasoo qiimeeyay. Kadibna, sidii caadiga ahayd uu gurigu su’aalo kawaydiin doono.

Waxaana ugu horayn soo jeedinta warbixinta lagu bilaabay xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha iyadoo ay xafiisyada kalana kuxigaan ayaa ilaa wakhti xaadirkan ay qiimayntii socotaa.

Hadaba, qiimayntan nooc ah ee kusalaysan waxqabadka iyadoo laga duulayo qorshaha ayaa ah tan keentay cad-cadaanta iyo isla-xisaabtanka uu horumarkan laxaadka leh kuyimid iyadoo ay goboladuna degmooyinka kuqiimeeyaan goobahooda 3dii bilood, 6dii bilood, 9ka bilood iyo 12ka bilood ee kasta meesha si taa lamid ah xafiisyada heer deegaana la isugu qiimeeyo. Kadibna waxqabadka degmooyinka iyo goboladana lixdii biloodba hal mar heer deegaan lagu qiimeeyo kasokow taakulaynta, kormeerka iyo dabagalada joogtada ah ee heer deegaan iyo mid gobolba ay kaga warhayaan fulinta qorshayaasha degmooyinka.


Buugaag Iyo Qalimaan loogu Deeqay Ardayda Gobalka Siti

$
0
0

Shiniile( cakaaranews ) Jumce 19 Feb 2016 Xafiiska Waxbarashada DDSI ayaa buugaag iyo qalimaan caawimo ah gaadhsiiyay ardayda wax ka barata  dhamaan Dugsiyada Degmooyinka Gobolka Siti, kuwaas oo ay saamaysay abaar ay keentay isbadalka cimaladu.

Hadaba madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI  mudane Mowliid Haayir Xasan oo u warmay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in caawimadan ay isugu jiraan 52,756 buugaag ah iyo 22,0962 oo qalimaan ah taas oo loogu talagalay inay ku filaadaan ardayda ku dhaqan dagmooyinka abaartu saamaysay ee Gobolka Sitti oo tiradoodu dhantahay 31,0000 oo arday.

Sidoo kale waxa uu madaxwayne ku xigeenku intaa kudaray in ayna caawimadani ahayn tii ugu horaysay ee xafiisku gaadhsiiyo degmooyikan abaartu saamaysay balse xafiiska uu markii hore iyo hadaba ka qayb qaadanyo kaalintii uu kulahaa kajawaabida baahida bulshada DDSI.

Maamulka Degmada Qubi Oo Sheegay In Ay Meel Fiican Marayaan Hirgalinta Biyo Xidheenada.

$
0
0

Qubi,(Cakaaranews), jimce, 19ka February, 2016, Masuuliyiinta maamulka degmada qubi oo uu hogaaminaya gudoomiyaha degmada Qubi ee gobolka Nogob mudane Shaafi Axmed Khaliif  ayaa soo kor-meeray biyo xidheenada  laga hirgalinayo degmada qubi ee sanad miisaaniyeedkan 2008TI.

Degmada qubi ayaa sanadkan waxaa laga hirgalinayaa 3 biyo xidheen oo ah qorshayaashii ay qaadatay xukuumada DDSI ee dhinaca biyo xidheenada taasi oo xooga la saaray kaydinta biyaha cirka. Waxaana warbaahinta uga warbixiyay heerka ay marayaan biyo xidhaanadaasi, wakhti ay booqanayeen mid ka mid ah biyo xidheenadaasi gudoomiyaha degmada Qubbi mudane Shafi Axmed Khaliif, wuxuuna sheegay in ay 2ba ka mid ah  gabagabadii ugu danbeeyay marayaan. Halka uu kan ay hadda booqanayaana shaqadiisu meel fiican marayo islamarkaana dhawaan la soo gabagabayndoona si ay wakhtiyada soo socda u bixiyaan adeegii loogu talagalay.

Gudiga mashaariicaha ee degmada qubi oo kor meerkan ku hehelinayay gudoomiyaha iyo masuuliyiintan kale ayaa sheegay in ay ujeedada kormeerkani tahay sidii loogu kuurgalilahaa geedi socodka shaqo ee mashruucan biyo xidheenka ah islamarkaana loo sii dar dargalinlahaa. Waxayna tilmaameen in ay jihooyinkii loogu talagalay u socdaan mashaariican biyo xidheenada degmada Qubi.

 

 dhankoodan waxgaradka  iyo odoyaasha  degmada  Qubbi, oo qayb ka ahaa kormeerkan ay  masuuliyiintu ku marayaan mashaariicahan biyo xidheenada  ayaa sheegay in ay bulshada qubi guud ahaanba siwayn u soo dhawaynayaan hirgalinta mashaariicahan waawayn ee   kor loogu qaadayo   nolosha bulshada ku dhaqan degmada. Waxayna si mug wayn ugu mahad celiyeen xukuumada DDSI ee hirgalinaysa mashaariicahan.

Kulan waynaha Wada Tashiga Xukuumada Iyo Shacabwaynaha DDSI.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews ) Sabti, 20ka February, 2016, Waxaa wakhti xaadirkan si rasmiya uga  furmay madasha shirarka  ee xarunta madaxtooyada kulan waynaha  wadatashiga xukuumada iyo shacabwaynaha DDSI ee Horumarka, Nabadgalayda, Maamulka suuban iyo la dagaalanka argagixisada.

kulan-waynahan ayaa Waxaa ka soo qaybgalay hogaaminta sare ee xukuumada DDSI, masuuliyiinta xukuumada heerarkeeda kaladuwan, masuuliyiinta maamulada gobolada,  ergooyin kasocday 68da degmo iyo 4ta maamul magaalo  oo isugu jira odayaal, hooyooyin iyo dhalinyaro, shaqaalaha xafiisyada heer deegaan oo ay kamid yihiin: agaasinada,  xidhiidhiyayaasha, madax-kooxeedada, qurba joog, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI, iyo marti sharaf kale.

 

Madasha uu ka furmay kulan waynahani  galabta  ayaa ahayd  Goob aad loo sii Qurxiyay oo gidaar walba  ku dhegan yahay  Halkudhegyo Muujinayay balanqaadyada Shacabka, XDSHSI iyo Xukuumadaba kuwaas oo Tilmaamayay Waxqabadka Wadajireed ee Xukuumada iyo shacabkeedu hiigsan doonaan sanadaha soo socda gaar ahaan jihooyinkii lagu hirgalin lahaa qorshaha GTP2  iyo waliba in dib loo eega  waxqabadka laxaadka leh ee xukuumada sanadihii aan soo dhaafnay.

Haddaba  furitaankii kulanwaynahan ayaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu Khudbad Dheelitiran oo hordhac u ah  kulan-waynahan u soo jeediyay ergooyinka. Madaxweynaha ayaa ugu horayn uga mahadceliyay sida Xilkasnimada iyo wadaninimada leh ee ay Dhamaanba ergooyinku isugu taxalujiyeen ka soo Qaybgalka kulan waynahan. Wuxuuna madaxwaynuhu sheegay   in la dagaalanka argagixisadu  gundhig u tahay   nabadgalyada iyo  horumarka laxaadka leh ee ka hanan  qaaday guud ahaanba deegaanka  taasi oo ay xukuumada DDSI ay la tashiga  shacabwaynaha ka dhigatay anjandaheeda  1aad ee lagu talaabsanayo.

Madaxwaynaha ayaa tibaaxay geedi socodka uu yeelan doono kulan waynahani  isaga oo  sheegay in uu socon doono mudo 4 maalmood ah sidii caadada ahaydna lagu  soo bandhigi doono  fikirada kaladuwan ee shacabwaynaha deegaanka si  looga midho dhaliyo qorshayaasha horumarineed uu u dajisan xukuumada iyo shacabka  gaar ahaan hirgalinta qorshaha koboca isbadalka dhaqaalaha  GTP2  ee guud ahaan u dajisan dalka gaar ahaana DDSI.

Kulan waynaha oo  hadda socda ayaa  waxaa madasha shiraka si wayn  u gilgilaya  kooxaha fanka iyo suugaanka ee deegaanka oo ku soo bandhigaya dhaantooyin iyo heeso katurjimaya horumarka iyo sida ay shacabka iyo xukuumada DDSI iskugu duuban yihiin ee ay wax u wada qabsanayaan.

Isku soo wada Duuboo kulan waynahan  ayaa  socon doona mudo dhan  afar maalmood taasi oo ay  Shabakada Wararka  ee CakaaraNews Sidaad   uga barateen Saacad saacad halkuu  marayo kulan waynahani  idiin soo dhigi doona Afaafka  Wararka  ee ha ka fogaanina.

Wafti Balaadhan oo Booqday Gobalka Siti

$
0
0

Shiniile( cakaaranews ) Sabti 20 Feb 2016 Wafti balaadhan oo ka kala  ka socday   hay’adaha bad-baadada caruurta ee  save the children islamarkaana ka kala socday wadamada maraykanka, Canada, Denmark, Sweden, China, South Africa  iyo masuuliyiinta ugu saraysa hay’adan save the children ee Dalkeena Itoobiya.

Waftigan ayaa waxaa horkacayay masuuliyiin heer deegaan ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid waxayna socdaal ku soo mareen degmooyin ka mid ah Gobolka Siti, iyadoo u jeedada socdaalkuna uu ahaa in ay soo indha indheeyaan waxqabadka xukuumada DDSI ee dhinacyada Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Beeraha gaar ahaan dhinaca waxka qabadka xaaladaha abaaraha ee ay keentay cimilada isbadashay.

Hadaba Waftigan booqday Gobalka ayaa ka warbixiyay socdaalkooda iyagoo sheegay in ay siwayn ula dhaceen wax ka qabadka xaaladaha abaarta sida ay xukuumada DDSI iyo tan faderaal kuba ula tacaaleen islamarkaana ugu bixiyeen dadaalka balaadhan iyagoo indhahooda kuarkay calafka xoolaha oo lagaadhsiiyay iyo waliba adeegyada aas aasiga ah ee gobalka oo ay biyuhu ugu horeeyaan. Waxayna DDSI u soojeediyeen in intii karaankooda ahaa ay waxkaqabatay xaaladan abaarta ee Gobalka Siti saameeyay.

Isku soo wada duuboo,  waxaa sanadihii ugu danbeeyay ku soo badanaya deegaanka masuuliyiinta sare ee ka socda wadamada caalamka ka dib markii uu DDSI si buuxda uga hirgalay horumar waara oo lagu soo hirto

 

Kulanwaynihii Wadatashiga Oo Galay Maalinkii 2aad

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Axad 21 Feb 2016 Kulanwaynihii wadatashiga shacabka DDSI iyo xukuumda oo galay maalinkii labaad ayaa waxaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediayay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Mxamud Cumar islmarkaana si balaadhan uga hadlay sooyaalkii iyo taariikhdii uu soo maray deegaanku.

Hadaba Madaxaynaha ayaa si qiiro leh uga waramay dhibaatooyinkii uu deegaanku soo maray isagoo tilmaamay islamrkaana ka warbixiayay hagardaamooyinkii uu nabadiika UBBO, iyo all’itaaxad ay bulsho waynta DDSI ku hayeen.

Sidookale waxa uu madaxwaynuhu xusay in hormarka iyo nabadgalyada uu deegaanku maanta haysto ay sababtay kadib markii laga takhalusay uraradaas islamarkaana loo guntaday hormar iyo maamul suuban, isagoo umahadceliayay halyeeyda Ciidanka Gaarka ah ee DDSI (Liyu-Police) maadaama oo ay ka soo baxeen waajibaadkoodii gacantana ay ku dhigeen dhamaan nabada iyo xasiloonida deegaanka sidookale waxa uu carabka ku dhuftay in XDSHSI ee maanta ka arimiya deegaanka, kahor ay san kajirin deegaanka wax dawladnimo ah, oo ay dawladnimadu hanaqaaday oo kaliya intii Xisbigani talada hayay oo kaliya.

Ugudanbayna waxa uu madaxwaynuhu amaan u soo jeediyay bulsho waynta DDSI sida ay uga qaybqaateen nabadgalyada iyo hormarka DDSI isagoo tilmaamay in hormarkan deegaanku maanta haysto uu san gaadhilahayn hadii bulshada DDSI ay san garabtaagnaan lahayn Ciidanka & Xukuumada DDSI,

Sikastaba ha ahaate qudabada kadib ayaa waxaa loobaxay qadadii oo siwad jir ah loogu qadeeyay Hoolka qadada, iyadoo galabtana uu halkaas kasii socon doono shirku.

Jawaabihii Su’aalihii ISKUDAY Qaybtii 2aad

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Axad 21 Feb 2016 Waxaan akhristayaasha sharaftaleh wargalinaynaa in ay akhristaan jawaabaha su’aalihii  kabaxay barnaamijka ISKUDAY Qaybta 2aad ee shabakada cakaaranews habeenkii Arbacada ahayd ee 17kii Bishan February 2016.

F.G waxaan u mahadcelinaynaa dhaman akhristayashii iskudayay islamarkaana kajawaabay su’aalaha qaarkood, maadaama shuruudaha shilimaadku ahaa in laga wada jawaabo dhamaan su;aalaha, iyo qofka uga hor jawaaba, waxaan u rajaynaynaa inay kajawaabi doonaan su aalaha barnaamijyada danbe.

Hadaba yaa ku Guulaysatay Shilimaadkii ISKUDAY Qaybteedii 2aad, Talaw yuu noqon Doonaa ?

A) Waxaa ku guulaystay shilimaadka 2da muwaadin ee magacyadoodu yihiin sidan:-

1 .Mahamed Ahmed Muhumed faceboog ku so jawaabay 10:OO PM habeenkii arbacada ah Feb 17 2016

1 .Koowsaar Axmed Cabeeye face book ku so jawaabay 11:15 PM habeenkii arbacada ahaa Feb 17 2016

F.G Hadaba waxaan wargalinaynaa in 2 badan muwaadin ee ku guulaystay in ay telefon Numberkadooda noo soo diraan iyagoo noogusoodiray ciwaanada hoose oo ah kuwii ayjawaabaha kusoodireen.

B) Waxaa sidookale mahad celin u soo jeedinaynaa muwaadimiinta kala ah:-

2.Ahmed siyaad gaaraaga@gmail.com wuu dhamaystiray lkn wakhtiga ayaa laga horeeyay

2. Abshir ahmed mahamed abseer99@gmail.com hal su aala ayuu badh khalday komishinka poliska

2.Said cqaadir gamaadiid  jwbta nagu siiyay face book, abdisalaan Hassan abdulahi jwbta nagu siiyay face book

 ina aabaw ina jaamac haaji facebooga kujaw,iyo waliba cabdi maxamuud axmed  facebuuga kujawaabay

F.G:Kooxdan (B) iyana su aalihii 95% way  ka jawaabeen  lkn maadaama oo ay shuruuduhu ahaayeen qofkii ugu horeeya islamarkaana 100% kajawaabaa aad ayaad umahadsantihiin

Waana Sidan Jawaabuhu:-

1.Goobii deegaanku uu kaga mid noqday Dalkeena Itoobiya waa Goobta lagu magacaabo Kali oo ka tirsan Degmada Dhanaan

2. Deegaanka 4aad ee ugu tirade badan dalkeena waa Deegaanka soomalida qoomiyada sadexaad ee ugu tirade badana waa isla Deegaanka Soomalida Itoobiya

3. socdaaladi madaxwaynuhu waxay kala ahaayeen sidan:- UBBO Quusis, Samawade, Iftiin iyo Ilays Rajo Rumays, Biyo Nolol, Haraad reeb, Gaajo quusis, iyo socdaalkii Cagaaraa iyo waliba socdaale kale oo aan ma

4.labada kooxood ee liiga qarankuna waa kooxda Kali iyo kooxda Komishinka Poliska DDSI

5. Afarta nabi ee is dhashayna waa Nabi Ibraahim Nabi Isxaaq Nabi yacquub iyo nabi yuusuf / Yuusuf ibnu yacquub ibnu isaaq ibnu ibraahim

Hadaba waxaan macaamiisha  sharaftaleh ee akhrista Shabakada Cakaaranews inay barnaamijkan ISKUDAY kalasocdaan habeenkasta oo arbaco ah islamarkaana ay jawaabahooda iyo talobixinadooda noogu soodirikaraan ciwaanadan:-- www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com.

Kulan Waynihii Ayaa Galay Maalintii 3aad, Kase tegle Burhan Oo Ka Soo Qaybgalay.

$
0
0

Jigjiga(CakaaraNews ) isniin, 22da February, 2016, waxaa maalintii sadexaad si qurux badan uga socda  madasha shirarka xarunta madaxtooyada kulan waynihii wada tashiga shacabka iyo xukuumada DDSI ee ay ujeedadiisu ahayd sii xoojinta hawlaha horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban iyo la dagaalanka argagixisada taasi oo uu maanta ka soo qaybgalay wasiirka wasaarada  arimaha faderaalka JDFI  mudane Kase Tegle Burhan.

Kulan waynahan oo ay hogaaminayeen madaxwaynaah DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo  afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI  Maxamedrashiid Isaaq ayaa waxaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyay wasiirka wasaarada arimaha federaalka JDFI mudane Kase Tegle Burhan oo ugu horayntii qaybaha kala duwan ee shacabwaynaha DDSI u  soo jeediyay salaan  iyo hanbalyo uu uga wada hogaaminta sare ee xisbiga EPRDF.

Wuxuuna sheegay wasiirku in ujeedada fagaarayaasha  kulamada noocan ah  yihiin kuwa lagu saxar  tirayo  maamulka suuban. Waxa kale oo uu wasiirku si qoto dheer uga waramay soonyaalkii taariikheed ee dalka gaar ahaana deegaanka somalida itoobiya  taasi oo uu tilmaamay in uu deegaanku intii  ka horeysay  itoobiyada  cusub uu ahaan jiray xiryo ciidan oo kaliya

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in deegaanka soomalida itoobiya wakhtiyadii hore  la jaan qaadi kari waayay itoobiya cusub  dibna  uga dhacay dhinacyada horumarka, nabadglayda iyo maamulka suuban islamarkaana uuna ka  faa’iidaysan isbedaladii iyo neecawdii horumarineed ee wadanka ka curatay. taasi oo uu ku sheegay in ay sal u ahayd is jiid iiidadka siyaasadeed oo haystay hogaamintii xiligaasi qaarkood aaminsanaayeen aragtida soomali wayn nidaamkaasina  sii xoogayey   ururadii  nabad diidka   waxaana intaasi u dheeraa ayuu yidhi wasiirku   isku dhaca qabiilada deegaanka soomalida itoobiya  oo  ragaadiyay helitaanka nabadgalyo iyo horumarka.

Khudbada wasiirka oo ahayd mid aad u dheerayd ayaa waxa uu nurux keedu ahaa in deegaanka soomalida itoobiya oo sanadadii hore ku jiray deegaanada dib uga dhacay dhinacyada horumarka nadabglayada iyo maamulka suuban. wuxuuna sheegay wasiirku in uu  hadda ku jiro deeganada hore u maray kana tagay kuwii dib u dhacay.taasina ay sal u tahay markii ay siwada jir ah  wax u wada qabsadeen  una midoobeen  garabyada qaybaha kala duwan ee bulshada iyo garabka xukuumada oo is ku   duubni ugu wada jihaystay dhinaca hurumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban. kulan waynahan wada tashiguna yahay kuwa   sii xoojinayo hawlahaasi.

Kulan waynahan wada tashiga ayaa maanta halkiisii ka sii socda iyada oo maanta  galinka danbe la sugayo in ay ka hadlaan qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI.

 

 


Galinkii Danbe iyo Fikiradii Shacabwaynaha.

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Isniin 22 Feb 2016 Kadib qudbadihii dhaxalgalka ahaa ee ay soo jeediyeen Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, iyo wasiirka Arimaha Federalka  Mudane kaasa Tagle Burhaanayaa galinkii danbe makarafoonada lagu wareejiyay dhanka shacabwaynaha si ay uga soo jeediyaan fikaradooda, ku aadan Hormarka Maamulka suuban iyo ladagaalanka argagixisada.

Hadaba waxay dhamaan shacabwaynaha deegaanka oo aan u kala ha dhin  madasha kacadeeyeen kana marag kaceen in nabadgalyadii dhidibada loo aasay uu kuyimid hormarkan laxaadka leh iyo nidaamkan maamulka suuban ee ka gonaashaha leh, sidookale waxa uu shacabwaynuhu u mahadceliyay Hogaaminta XDSHSI, oo runtii kadanbeeyay isbadalkan taaba galka ah, waxayna ku buuriyeen xukuumada in nidaamkan hormarineed ay kasiiwadaan halkaas.

Dhanka kale waxay odayaashi, culimo awdiinkii haweenkii, dhalinyaridii,iyo waliba masuuiyiintii  xilalka kaladuwan horay ugasooqabtay deegaanka ay balan qaadeen inay taageero buuxda lagarabtaaganyihiin XDSHS iyo Xisbiga EPRDF iyagoo waliba sheegay in siwayn ula dagaalamayaan aragagixsada,Controbaanka,fikirad cidhiidhyan iyo wax kasta oo caqabad ku ah hormarka iyo nabadgalyada Dalka iyo deegaankaba. Waxaa intaa dheer oo ay si adag u balan qaadeen in shacabwaynha deegaanku u kufoorarsan doona wax soosaarka dhulka si wadankeenu uga baxo faqriga ugana mid noqdo wadamada dhaqaalahooda dhaxdhaxaadka yahay

Ugudanbayna waxa uu shacabwaynuha ka codsaday xukuumada DDSI iyo federaalka in xooga lasaaro suuq u helida xoolaha deegaanka. Taasoo daawo kanoqonaysa kontrobaanka iyo ladagaalanka Argagixisda.

 

 

 

 

 

 

MW CMC Iyo Mudane Kassa Oo Booqday Mashaariicda Waaji Iyo Harre

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Talaado, 23ka February 2016, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan wasiirka Wasaarada Arimaha Federaalka iyo Horumarinta Xoolo-dhaqatada mudane Kassa Tekleberhan iyo Afhayeenka Golaha Xildhibaanada ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa saaka booqasho kormeer iyo indha-indhayn isugu jirta kutagay Mashruuca Biyo-Xidheenka wayn ee dhismihiisu kasocdo qabalaha Waaji ee Degmada Jigjiga.

Sidoo kale madaxwaynaha iyo waftigii weheliyay ayaa booqashadoood kusoo kormeeray mashruuca wayn ee xanaanada iyo dhoofinta xoolaha nool ee dhismihiisu ka socdo qabalaha Harre ee dagmada Jigjiga.

Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa bogaadiyay qaabdhismeedka mashaariicdan gabagabada kudhaw isagoo tilmaamo gaar ah siiyay hawl-wadeenada mashruuca Biyo xidheenka kuna booriyay in ay wakhti kooban kudhameeyaan iyadoo mas'uuliyiintii wehelisay ay aad ugu farxeen halka ay dhismaha mashaariicdani marayso iyo waliba waxtarka ay bulshada uyeelan doonaan xiliga ladhamaystiro.

Dhanka kalana, hawl-wadeenada mashaariicdan labada goobood fulintooda gacanta kuhaya ayaa balan qaaday inay mudo gaaban kusoo gabagabayn doonaan dhismaha mashaariicdan si bulshadu uga faaiidaysato iyagoo dardargalin doona qaab shaqeedkooda oo habeen iyo maalinba shaqayn doona.

Ugudanbayna madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa xili ku aadan duhurkii kusoo laabtay xarunta deegaanka iyadoo Wasiirka Wasaarada Arimaha Federaalka iyo Horumarinta Xoolodhaqatada ee JDFI mudane  kassa Tekleberhan nasasho qado ah kadib loosii dhaweeyay dhanka gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Garaad Wiilwaal International Airport. Halkaas oo uu uga socdaalay dhanka xarunta  Dalka ee Adhisababa.

 

Kulanwaynihii Oo Galay Maalintii 4aad.

$
0
0

Jigjiga,(CakaaraNews) talaado, 23ka, February, 2016, waxaa maalintii Afraad  ka socda madasha shirarka ee xarunta madaxtooyada DDSI kulan waynihii wada tashiga shacabwaynaha DDSI iyo xukuumada DDSI.

Waxaana maanta ergooyinka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada loo soo jeediyay warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI  ee sideedii sano ee ugu danbeeyay, 2000TTI  ilaa 2008TI  gaar ahaan  wixii laga qabtay dhinacyada arimaha bulshada, nabadgalyada, maamulka suuban, horumarka aas aasiga ah, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xidhiidhka dadwaynaha.

Warbixintan oo ahayd mid aad u dheer oo dhinacya badan ka warbixinaysa ayaa waxaa soo jeedinayay masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane Deeq Cabdilaahi Buraale, wasiir ku xigeen horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshada DDSI mudane Axmed Shugri iyo la taliyaha madaxwaynaha DDSI ee  dhinaca diyaarinta iyo dabagalka warbixinada mudane Anwar Cali

Warbixintan oo ahayd mid ahmiyad balaadhan  ku fadhiday   aadna u soo jiidatay dareenka  ergooyinka kulanwaynaha  ayaa  waxay inta badan isbar-bardhig ku samaynaysay  heerka ay taagnaayeen adeegyada aas aasiga ah ee horumarinta  wixii ka horeeyay 8da sano  iyo hadda heerka ay gaadhsiisan yihiin  gaar ahaan guulaha waawayn ee laga soo hooyay  dhinacyada:-  caafimaadka, biyaha beeraha, xoolaha   waxbarashada, jidadka, horumarina magaalooyinka, dib u dajinta, abuuritaanka ilaha shaqada, xoojinta cududa shaqaalaha dawlada, abuuritaanka ilaha shaqada haweenka, isgaadhsiinta ,xaalada  waxka qabadka abaaraha ay keentay cimilada isbadashay ee saamaysay bulshada ku dhaqan gobolka Siti  iyo xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI.

Kulan waynaha ayaa wali halkiisa ka soo socda iyada oo la filayo in ay qaybaha kala duwan ee bulshadu fikirkooda  ka dhiiban doonaan  warbixintan.

 

 

 

Maalintii 5aad iyo Kulanwaynihii.

$
0
0

Jijiga(CakaaraNews) Arbaca, 24ka February, 2016, Waxaa maalintii shanaad ka socda madasha shirarka kulanwaynihii wada tashiga shacabwaynaha iyo xukuumada DDSI ee lagaga tashanayay  sii  xoojinta hawlaha horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban iyo la dagaalanka argagixisada.

Kulan waynahan oo ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada  DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI  mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa waxaa maanta ka soo qaybgalay kulanwaynahan Taliyaha guud ee ciidamada difaaca qaranka qaybta  koonfur bari  itoobiya General Abraham Wolde Mariam.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa  ka warbixiyay tabihii lagu hantay nabadgalaayda horumarka iyo maamulka saxarka tiran  ee ka hirgalay DDSI iyo jihooyinka lagu hiigsanayo gaadhida horumar waara oo aan soo noqod lahayn. wuxuuna madaxwaynuhu  ka warbixiyya taageerada horumarineed nabadgalyo ee ay  dawlada fadaraalku markasta la garab tagan tahay  DDSI.

taliyaha guud ee ciidamada difaaca qaranka qaybta  koonfur bari  itoobiya General Abraham Wolde Mariam ayaa khudad dheer ka soo jeeiyay kulan waynahan wuxuuna sheegay in   ujeedada uu ugala soo qaybgalay   sidii uu qaybahan kala duwan ee bulshada  ula wadaagilahaa tabaha iyo waayo aragnimada lagu xakameeyo argagixisada maamaamo oo kulan waynahan  lagaga  hadlayo sidii looga hortagi lahaa loolana  dagaalami lahaa  argagixisada.

Wuxuuna sheegay gereralku in Nabadgalyadan iyo horumarkan quruxda badan ee maanta ka muuqda DDSI loo soo maray dhibaatooyin badan  iyo isla halgan adag  isaga oo sheegay in markii ay xukuumada DDSI, shacabwayanaha DDSI iyo ciidanka booliska gaarka ah DDSI  ay siwada jir ah salka ugu dhigeen xasilinta  nabadgalayda deegaanka ay taasi tahay tan suurta galisay  in la helo hawlihii kale oo horumarka loona baahan yahay in la sii joogteeyo si wada jir ahna layskaga ilaaliyo wax kasta oo ha kad galin kara hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamul wanaaga . Generalka ayaa  tilmaamay in DDSI nabadgalyada  ay sugtay   tahay guul u soo hoyatay  guud ahaanba dalka itoobiya.

 Generalka oo hadalkiisa sii wada ayaa carabka ku adkeeyay in maanta DDSI  isku filnaansho dhinac kasta leh  gaadhay isalmarkaana uu   deegaanada kale ee dalka  caawinayo isaga oo tusaale u soo qaatay deeqdii caawimada ahayd ee ay xukuumada DDSI gaadhsiiya deegaanka canfarta ee  ay abaartu saamaysay   taasina ay  tusaale ku dayasha mudan   u tahay  dhamaanba deegaanada dalkeena itoobiya.

Kulan waynahan oo wali ka sii socda madasha shirarka ayaa waxaa la filayaa in dhawaan  ka soo baxaan go’aano gashi horumarineed u noqda guud ahaanba DDSI haka dheeraan ee isha ku hayn afaafka hore ee shabakada wararka cakaaranews. 

Geel Loogu Deeqay Ardayda Dugsiga Hooyga Agoonta Ee Fiiq

$
0
0

Fiiq ( cakaaranews ) Arbaco 24 Feb 2016, dugsiga Hooyga Agoonta fiiq oo ay wax kubartaan caruurtii uu nabad diidku waalidkood dilay ayaa la gudoonsiiyay deeq kakooban Geel, islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen ku wareejintiisa Maamulka Gobalka, iyo maamulka Dugsiguba.

Deeqdan oo ka kooban lix neef oo geela ayaa waxaa ardayda ufidiyay Iskaashatada Halgan oo ah Iskaashato ka shaqaysa dhoofinta iyo soo dajinta Raashinka islamarkaana ay leeyihiin  Dadkii Nabad diidku Agoomeeyay, sikastaba ha ahaatee, xafladii lagula kala wareegayay deeqdan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa maamulka Gobalka, maamulka Degmada iyo waliba Maamulka Hooyga agoonta.

Hadaba  Geelan loogu deeqay aqoonta ayaa waxaa Ku wareejisay Maareeyaha Iskaashadada Halgan Marwo Niciima Suldaan Maxamuud haybe.   islamarkaana gudoonsiisay Maamulka Dugsiga Hoyga aqoonta. Waxayna sheegtay in deeqdani aysan ahayn markii ugu horaysay ee ay Gaadhsiiyaan agoonta balse ay kaga duwantahay oo kaliya geele lkn ay gaadhsiiyeen deeqo hore oo kala duwan sidookale waxa ay tilmaantay in ay markasta hiil iyo hooba ay lagarab taaganyihiin agoonta dhamaan Dugsiyada Hoyga agoonta ee Fiiq,Jijiga,Gaashaamo,iyo waliba Shaykoosh.

MW CMC Iyo Fikiradii Shacabwaynaha Ee Kuwajahnaa Argagixisada

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 24ka february 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galinkii danbe ee maanta guriga usoo jeediyay inay kahadlaan fikirkooda ku aadan argagixisada.

Hadaba waxay shacabwaynaha deegaanka oo si qoto dheer u soo dhigay fikiradooda ay sheegeen inay dhamaantood ka go’an tahay ladagaalanka aragagixisada gabaadka kadhiganaya diinta islaamka iyo waliba tabihii loola dagaalami lahaa iyagoo tilmaamay in manaahijta madarisadaha iyo masaajidada il-gooni ah loo wada yeesho iyo in mad-habta shaaficiyada ee aan haysano ay tahay in si toos ah loogu dhaqmo. Waxaa kale oo ay sheegeen in shacabka deegaanku yahay shacab kumidaysan ahlu-suna-wal jameeca diyaarna u ah inuu ka takhaluso caqiidooyinka sida khaldan diinta uturjumaya ee Alqushaash, All-itaxaad, ISIL, Buku-Xaaraam, Alqaacida iwm. Waxayna hadalkoodii kusoo xidheen in shacabwaynaha deegaanku kamidaysan yahay ladagaalanka xagjirnimada iyo argagixisada iyagoo hal meel ah uga soo wada jeedsanaya wax kasta oo khal khal galinaya xasilinooda iyo hormarka deegaanka diintana meel kaga dhacaya iyagoo si xoogan u cambaareeyay dhamaan ururada argagixisada iyo wixii laxidhiidha.

Kadibna Culimo-awdiinka iyo Golaha Arimaha Islaamka ayaa sicad u qeexay waxa ay argagixisadu tahay iyagoo ku nuux nuuxsaday in shiicadu tahay mida ugu daran khalad uturjumida diinta islaamka iyo waliba inaysan banaanayn in laqaato nidaamka dhaqamadooda iyo labiskooda. Culimada ayaana si wayn u canbaaraysay dhamaan ururada argagixisada ee diinta islaamka turjunka khaladka ah kabixinaya  sida AL-QUSHAASH, DAACISH, ISIL, AL-ITIXAAD, SHIICO, BUKU-XAARAAM, AL-QAACIDA iyo wixii lahalmaala iyagoo culimadu soo bandhigay kitaab kamid ah manhajka ay wax kubaraan ardayda madarisadaha  oo fadeexaynaya Nabigeenii Suubanaa ee Muxammad (N.N.K.H) iyo asxaabtiisii, ilaahayna suuraynaya.

Hadaba Xukuumada DDSI oo ka dhiidhiday xagjirnimada iyo khaladka ay diinta islaamka u isticmaalayaan ayaa ilaahay uga bariday dhamaan argagixisada inuu umada kaqabto iyadoo shacabwaynuhuna uu halmar gacmaha kor utaagay oo uu ‘aamiin’ uyidhi. Xukuumada ayaana sheegtay inay kago;an tahay ladagaalanka xagjirnimada iyo wax kastoo diinta iyo nabadda shacabka deegaanka iyo kadalkaba carqaladaynaya.

Dhanka kale, xukuumada DDSI ayaa lacag deeq ah oo dhan 24milyan ku caawisay agoontii ay waalidkood UBBOdu laysay, xubnihii ku dhaawacmay dagaaladii UBBO iyo waliba shacabkii ay dhibaatada ugaysteen intaba iyadoo ay odoyaasha deegaanku madashaas kugudoonsiiyeen.

Waxaa iyana madasha shacabwaynuhu fadhiyay lasoo hor istaajiyay in kabadan 40 ubbo ah oo ciidanka gaarka ah ee deegaanku kusoo qabqabtay dagaaladii ugudanbeeyay islamarkaana goobta kaqirtay dhibaatadii ay kuhayeen shacabka deegaanka iyo sidii wanaagsanayd ee ciidanku uladhaqmay kadib markii dagaalka lagu qabtay iyagoo daawayn iyo nafaqaynba ciidanku siiyay.

Ugudanbayna, waxaa kulan-waynihii lagu soo khatimay 3 heesood oo katurjumaya waxqabadkii nabadgelyo, horumar iyo maamul suuban ee uu XDSHSI soo hoyiyay 5tii sano ee u danbaysay, iyo baaqyo kasoo baxay kulan-waynaha.

 

Baaqa Taageero iyo Go’aano Kasoo Baxay Kulan-waynaha Odayaasha Deegaanka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 24ka February 2016. Baaqa taageero iyo go’aanadii kasoo baxay kulanwaynaha odayaasha deegaanka  ayaa u qoran sidan:-

Marka hore anagoo ku hadlayna magaca odayaasha DDSI iyo magaca Bulsho waynta kasoo qaybgashay kulanwaynahan wadatashiga Xukuumada iyo Shacabka ee ku saabsanaa Horumarka, Nabadgalyada, Maamulka suuban iyo ladagaalanka argagixisada ayaa waxaan halkan ka soo jeedinaynaa baaqa kulan waynaha oo ka kooban 6 qodob oo kala ah sidan:

1.       Waxaan si buuxda u taageersanahay islamarkaana garabtaaganahay natiijooyinka Horumarineed, Nabadgalyo, Maamulkasuuban, Xidhiidhka dadwaynaha ee dalka iyo dibada kuna timid iskaashiga DDSI, Shacabka, Federalka iyo ciidanka difaaca qaranka.

2.       Waxaanu cadaynaynaa in aanu aad ugu faraxsanahay natiijooyinka horumarineed iyo nabadgalyo ee ay xukuumadu soo hooyisay, sidaasdarteed cidkasta oo si toosa iyo si dadban isugu dayda inay carqaladayso oo dib noogu soo celiso dhibtii shalay eebe nagasaaray in aanu ilaa iyo heer naf-huris ula halgamayno.

3.       Waxaan canbaaraynaynaa dhamaan ururada argagixisada ah ee diinta islaamka turjumka khaladka ah ka bixinaya sida AL-QUSHAASH, ISIL, AL-ITAXAAD, BUKU-XAARAAM, AL-QAACIDA iyo wixii lahalmaala islamarkaasna waxaan cidkasta u cadaynaynaa in aanu ilaa heer naf-huris ula halgamayno si shaqsinimo iyo fikiradooda guracan ay soo dhoofinayaan faafintooda anagoo u adeegsanayna xeelad kasta oo aan kaga hortagayno.

4.       Waxaan cadaynaynaa in nidaamka dib u curashada DDSI uu yahay daawo lagaga bogsaday cudurkii qabyaalada ee caqabada ku ahaa Horumarka iyo dhamaan jiritaanka DDSI. Sidaadaraadeed  waxaan cadynaynaa inaanu garab taaganahay dawaldayada iyo XDSHSI.

5.       Waxaan dawlada Federaalka, Xisbiga EPRDF iyo ciidanka qaranka ugu mahadcelinaynaa taageerada aan kala go’a lahayn ee ay lagarab taagan yihiin xukuumada iyo shacabka DDSI gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha ee laga hirgaliyay deegaanka. Ugudanbayntii waxaan ka codsanaynaa inay sii wadaan taageeradaasi

6.       Waxaanu canbaaraynaynaa dhibaatada loo gaysatay shacabka walaalaha aan nahay ee Oromiya ee guryahoodii, Hantidoodii iyo kaabayaashoodii dhaqaalaha sida bangiyada, Iskuulada,waxbarashada, laydhka iwm lagu burburiyay, falalkaas oo ay ka danbeeyaan ururada argagixisada ah ee Shacbiya iyo wixii lamida. Hadaba waxaan cadaynaynaa inaan garabtaaganahay Dawlada Federaalka, Dawlad Deegaaneed ka Oromiya iyo shacabka Oromiya dadaalka ay ugu jiraan inay meesha kasaaraan dhibaatooyinkii nabad diidka.


Baaqa Taageero Ee Mas’uuliyiintii Hore Ee Deegaanka Soo Martay

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews) Arbaco, 24ka February 2016. Baaqa taageero ee mas’uuliyiintii hore ee deegaanka soo martay oo uu madasha kasoo jeediyay mudane maxamed macalin cali(khadar)wuxuu u dhignaa sidan: marka hore waxaan si buuxda utaageraynaa baaqii kasoo baxay kulanwaynaha wadatashiga.

Xili shacabka deegaanku mugdi iyo rajo darro badan ay haysay dad badana ay aaminsanaayeen in xaalada dhibaato ee deegaanka kajirta aan laxalin karin waxna laga qaban karaynin ayaa maamulkani soo baxay.

Waxaan qiraynaa in xukuumada xiligan iyadoo isticmaalaysa tabo cilmiyaysan, xeelado cusub iyo kago’naansho ay suurta galisay horumar balaashan. Taas oo sugtay nabadgelyo taam ah, maamul suuban ayna adkaysay xidhiidhkii dadwaynaha dalka gudihiisa iyo dibadaba.

1.       Hadaan eegno dhanka nabadgelyada waxaa ladhisay ciidan gaar ah oo deegaanku leeyahay-liyuu police. Waxaana si qoto-dheer loo darsay xaalada nabadiidka lana dajiyay qorshe cilmiyeysan oo faahfaahsan shacabkana laga qaybgeliyay taas oo mudo gaaban lagu soo afjaray dhaqdhaqaaqii nabadiidka. Waxaana maanta kajirta deegaanka nabadgelyo buuxda. Marka, waxaan halkan uga mahad naqaynaa ciidankeena federaalka iyo xoogaga kalagedisan ee heer federal ee gacanta kagaystay.

2.       Dhanka horumarka: waxay xukuumada u suuragashay in tubtii horumarka si buuxda loogu jeestay. Anagoon baaqan kusoo koobi karin baaqan waxaa deegaanka oo idil kasocda horumar balaadhan oo dhinac kasta ah. Waxaa xusid mudan horumarka dhinaca biyaha sida: dhismaha biyo-xidheeno laga samaynayo dooxooyinka waa wayn , biyo-qabatino loogu talagalay cabitaanka, beeraha iyo xoolahaba oo deegaanka oo idil kasiman. Waxaa ladhisay boqolaal ceel iyo kumaankum barbaraago ah. Waxaa kaloo guulo waa wayn laga soo hoyay dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, beeraha kaabayaasha dhaqaalaha, ladagaalanka faqriga IWM.

3.       Dhinaca maamulka suuban iyo xidhiidhka dadwaynaha: waxay dawladu soo dajisay nidaam cusub oo dib u curasho. Taas oo adkaysay midnamadii qawmiga ee shacabka soomaalida itoobiya iyo dareenkii itoobiyaanimaba. Waxay taasi meesha kasaartay isjiijiidadkii, qabyaaladii, shakigii, iskudhacyadii iyo dulsaarnimadii. Dhinaca xidhiidhka dawaynahana waxay xukuumadani daahfurtay albaab xukuumadihii ee deegaanka soo mara oo dhan kaxidhnaa iyadoo bulshada dibadaha kunool si joogta loogu tagayo dhamaan qaaradaha aduunka warbixino xog ogaalnimana lasiinayay. Waxaana lasameeyay ESTV oo qaaradaha dunida oo dhan laga wada daawado fursad qaali ahna u abuurtay in bulshada banaanka iyo guduhuba ogaadaan horumarka iyo nabadgelyada dhabta ah ee deegaanka kajirta. Safaradaasi waxay dhufayska kasaareen nabadiidkii kalagedisnaa sida Ubbo, itaxaad, alqushaash IWM. Taas oo keentay in qurbajoogtu kusoo qul-qulaan kana mid noqdaan xoogaga horumarineed ee deegaankooda maalgashanaya

4.       Waxay muujinayaan dhamaan dadaaladaas aan kor kusoo xusnay in DDSI  ay hormuud katahay dadaallka balaadhan ee uu dalkeenu ugu jiro inuu kaga mid noqdo dawladaha dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

5.       Waxaan xisbiga EPRDF iyo dawlada federaalka ahba uga mahadcelinaynaa sida hagar la’aanta ah ee ay mar walba u garab taagan yihiin XDSHSI iyo xukuumada DDSI. Waxaana kascodsanaynaa inay sii laba jibaaraan taageeradooda.

6.       Anagoo ah mas’uuliyiintii hore waxaan si buuxda u taageeraynaa dhaq-dhaqaaqa rajo soo celinta ah ee DDSI ay wado. Waxaana balanqaadaynaa maskax, muruq iyo maalba inaan lagarab istaagayno. Waxaana shaacabwaynaha deegaanka ugu baaqaynaa inay ilaashadaan guulahaas kor aan kusoo xusnay ayna xoojiyaan kaqaybgalkooda.

Kormeer Lagu Sameeyay Qaar Kamida Mashaariicaha Waawayn Ee Ka Socda DDSI

$
0
0

Jigjiga ( cakaaranews ) Khamiis 25 Feb 2016, Kormeer uu horkacayo Maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha iibka iyo adeegyada gaarka ah ee booliska mudane Cabdishukri Maxamed Odawa islamarkaana ujeedadiisu tahay helida xogta dhabta ah ayaa lagu soo maray qaar kamid ah mashaariicaha waa wayn ee ay  fulinayso wakaaladu.

Hadaba maraayaha oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in dhamaan mashaariicaha ay wado wakaaladu meel fiican marayaan isagoo xusay heerka ay marayaan mashaariicaha uu kormeerka kusoomaray kuwaasoo kala ah biya xidheenka tuulada goomaar oo maraya 50% biya xidheenka tuulada wijiwaaji oo maraya 40%, terminaalka goroonka diyaaradaha ee magaalada Qabridahar 98%, halka buundada faafan uu marayo 60%, iyo wadada isku xidha birqod iyo garbo oo muda yar ka hor dhamaatay.

Ugu danbayn waxa uu masuulku sheegay inay wakaaladu wado mashaariico kaladuwan islamarkaana ay kawado meelo kala duwan oo deegaanka kamid ah.

 

Mw Cmc Iyo Danjiraha USA Oo Xadhiga Ka Jaray Warshada Hilibka.

$
0
0

Jijiga(CakaaraNews)  khamiis, 25ka February,2016,  Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiin sare oo heer deegaan ah   ayaa saaka   garoonka diyaaradaha ee garaad wiil-waal international Airport si meeqaam sare ah ugu  soo dhaweeyay wafti ay  hogaaminaysay danjiraha dalka maraykanka u fadhiya dalka itoobiya marwo  Patrisha Haslak.

 Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  iyo Waftiga oo ayaa nasasho ka dib u anbabaxay magaalada dhagaxleh ee degmada gursum si ay xadhiga uga jaraan warshada hilibka ee Jesh  oo laga hirgaliyay  tuulada dhagaxle ee degmada gursum.

Waxayna  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo danjiraha maraykanka u fadhiya itoobiya Marwo Patrisha Haslak  si wad jir ah xadhiga uga jareen warshada  hilibka ee Jesh oo ay hirgaliyeen hantiilayaal qurba joogta ah oo u dhashay DDSI oo kaashanaya hay’ada USAID oo ah hay’ad laga leeyahay wadanka maraykanka taasi oo ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 172 millayn oo birr.

Xafladii xadhiga ka jarka   ayaa ahayd mid aan loo kala hadhin haddii ay tahay masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI, masuuliyiin ka socday wasaaradaha heer faderaal oo uu ka mid yahay  wasiir ku xigeenka wasaarada xoolo iyo kaluunka  JDFI  mudane Gabre Iskaber , masuliyiin ka socday hayada, USAID  qurb joog  iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa   ka warbixiyay  ahmiyada balaadhan ee ay warshadani u leedahay hirgalinta hawlaha horumarka, kor u qaadida koboca dhaqaalaha deegaanka iyo    la dagaalanka  saboolnimada wuxuuna si wayn ugu mahad celiyay hantiilayaasha warshadan hirgaliyay oo uu sheegay in ay qayb wayn ka qaateen horumarka dalka iyo gaar ahaana  deegaankaba   dhanka kale waxa uu tilmaamay  madaxwaynuhu in ay tahay wax lagu farxo warshadan oo shaqo abuur u samaysay 1200 qof oo ah muwaadiniin u dhashay deegaanka  dhanka kalena ay  kaalin balaadhan ka qaadanaysha hawlaha horumarka gaar ahaan suuqgaynta xoolaha deegaanka taasi oo bulshada deegaanka oo hodan ku ah xoolo dhaqatada ay u suurta galinayo in ay u helaan suuq ay xoola hooda ku iibiyaan oo markii hore aan lahayn warshad noocan oo kale ah.

Danjiraha wadanka maraykanka u fadhida itoobiya marwo Patrisha Haslak oo ka hadashay xafladan xadhig ka jarka  ayaa ka warbixisay ahmiyada ay leedahay warshadani waxayna tilmaantay in ay dawlada maraykanku  soo dhawaynayso kana  qayb qaadanayso  xawaaraha horumarka ee uu dalka itoobiya ku talaabsaday gaar ahaana garab taagan tahay DDSI  waxayna sheegay in ay warshadan oo ay maraykanku ka caawiyeen  dhinaca suuqgaynta ay tahay mid kaalin mug leh ka qaadanaysa hirgalinta hawlaha horumarka iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee maraykanka iyo DDSI

Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaarada xoolaha iyo kaluunka  JDFI mudane Gabre iskaber ayaa ka warbixiyay ahmiyada warshadan oo tilmaamay in ay tahay kaalin horumarineed oo u soo korodhay guud ahaanba dalka gaar ahaana deegaanka soomalida itoobiya wuxuuna sheegay wasiir ku xigeenku in ay bulshada xoolo dhaqatadu kaga raysan doonaan dhibaatooyinkii ka haysan jiray xaga suuqgaynta, qaybna ka qaadanayso xakamaynta xoolaha deegaanka ee si sharcidarno ah ku baxayay. 

Warshadan ayaa maalintii gawracaysa/qalaysa   6kun oo neef oo Adhi iyo Loo iskugu jira taasi oo hilibka xoolahan  u suuq gayn doonta  dalka gudihiisa iyo qaarka mid ah qaaradaha aduunka 

Dhanka kale waxaa isla maanta xadhiga lagaga jaray isla goobta warshada marnaamijka HELLO CASH  oo ay hirgaliso hay’ada lacagaha yar yar  ee microfinance DDSI oo kaashanaysa hay’ada USAID.   

Xuska 7aadka Dhaqanka Dalka

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Khamiis 25ta February 2016 Waxaa maanta si habsami leh uga bilawday xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga munaasabada xuska 6aad ee 7aadka dhaqanka Dalka itoobiya.

Xuskan 7 aadka dhaqanka oo ah munaasabad si heer qarana loo xuso sanadwalba ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan Qoomiyadaha iyo shucuubaha kala duwan ee dalka, masuuliyiin kasocotay 9 ka dawlad deegaan iyo labada ismaamul, iyo marti sharaf kale oo ah wadamada dariska iyo kuwa caalamka

Hadaba Munaasabadan dhaqanka oo halkudhag looga dhigay ‘Dhaqamada Qoomiyadaheenu waa Geedi-socodka Dib-u-curashadeena ayaa waxa ay dhamaan kooxaha dhaqanka iyo fanka qoomiyadaha dalka oo ay horkacayaan Kooxaha dhaqanka deegaanka iyo kooxda Boombayda DDSI socdaal aad u quruxbadan ku soo mareen wadada wayn ee dhaxmarta badhtamaha magaalada Jijiga islamrkaana ay qoomiyad kasta ku muujiysay dhaqankeeda, kuna soo bandhigayeen ciyaarahooda.

Sikastab ha ahaatee xuskan dhaqanka oo sanadwalba deegaan lagu qabto islamarkaana ay sanadkan martigalinayso DDSI iyada oo uu agaasimayo fulintiisa Xafiiska Dhaqanka & Dalxiiska DDSI oo kaashanaya Xarunta Dhaqanka Dalka Itoobiya. Munaasaadan oo sii socon doonta afar maalmood ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa sadex daaraasaad oo ka saabsan dhaqamada kaladuwan ee qoomiyadaha iyo shucuunaha dalka.

 

ISKUDAY Qaybtii 3,Aad

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Khamiis, 25ka February 2016, Fadlan adigoo kaashanaya, korodhsanayana aqoonta aad u leedahay guud ahaan dalkeena itoobiya gaar ahaana deegaankeena ISKUDAY inaad kajawaabto su’aalahan hoos kuqoran. Kadibna kuguulayso abaal marin.

Hadaba, wakhtiga loo cayimay kajawaabida su’aalahan waa 7maalmood oo kabilaabanaysa maanta oo Ay taariikhdu tahay 25ka February. Kuna eg 1da march. Waxaadna  kadib cidii kuguulaysatay kalasocotaan www.cakaaranews.com

NB. Abaal-marinta waxaa kuguulaysan:

·          Qofka kajawaaba dhamaan su’aalaha.

·          Cidii kajawaabta wakhtiga lacayimay kahor ayaa mudnaanta leh

Su’aaluhuna waa sidan:

1.       Sheeg taariikhda la bilaabay xuska qoomiyadaha dalkeena Ethiopia iyo goobtii ugu horayn lagu qabtay.?

2.       Sheeg deegaanka dalkeena Ethiopia ugu biyaha badan dhinaca biyaha dhulka ku jira iyo gobolka uu yahay.?

3.       Waxaad sheegtaa afhayeenkii golaha xildhibaanada ee xiligii mudane cabdirashiid duulane madaxwaynaha ka ahaa deegaanka?

4.       Sheeg gobolkii ku guulaystay koobkii 3aad ee kubada cagta ee gobolada.?

5.       Waxaad sheegtaa nabi da’uud (cs) imisa wiil ayuu dhalay.?

6.       Sheeg laanta afraysa sadexda laamood ee ay dawladu ka kooban tahay ee kala ah 1, sharci dajin 2, sharci fulin 3, iyo garsoorka?

7.       Sheeg 2 ka mid ah nidaamka dawladnimo ee uu ku dhisan yahay dalkeena Ethiopia?

8.       Waxaad sheegtaa wakhtigii la bilaabay awood dhaadhicinta deegaanka ilaa heer tuulo?

9.       Sheeg asxaabigii allah quraanka ku sheegay?

10.   Sheeg 10 kii asxaabi ee iyagoo nool loogu bishaareeyay janada?

Hadaba Waxaan marlabaad akhristayaasha wargalinaynaa in ay jawaabtooda noogu soo diri karaan message ahaan barta aan facebook kuleenahay ee www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.comcakaarainfo@gmail.com.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live




Latest Images