Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Kal’fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha xildhibaanada DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin, 30ka july 2018. Kal’fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha xildhibaanada DDSI ayaa waxaa la balaadhiyay qaab dhismeedkii deegaanka iyadoo lagu  ansixiyay degmooyin cusub iyo maamul magaalooyin cusub.

Warkan oo faahfaahsan goor dhaw kalasoco www.cakaaranews.com


Qurbajoog Udhalatay DDSI Oo Katimid Wadamada Scandinavian'ka Oo Lagu Soodhaweeyay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 31da July 2018. Waxaa garoonka diyaaradaha ee garaad wiilwaal si diiran loogu soodhaweeyay qaarkamid ah qurbajoogta DDSI ee jaaliyaadka wadamada scandenevianka gaar ahaana ah qurbajoogta kasoojeeda gobolka afdheer. kuwaas oo ay hogaaminayeen ugaas cabdirashiid daahir mursal iyo gudoomiyaha jaaliyaadka wadamada scandenevianka.iyadoo garonka ay si quruxbadan ugu soodhaweeyeen, mas’uuliyiin heer deegaan ah oo ay kamid yihiin wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI iyo maareeyaha kuliyada  TTC.

Hadaba, soodhawayn kadib ayaa waxaa warbaahinta lahadlay wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI mudane haaruun yuusuf iyo maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta mudane kifaax macalin oo sheegay sheegay in ay aad ugu mahadcelinyaan qurbajoogtan ay soodhaweeyeen islamarkaana soo ajiibay baaqi  ay dhawaan soojeediyeen odayaaldhaqameedka DDSI ee uu uguhoreeyo garaad kulmiye. Waxayna intaas kudareen in qorbajoogtani yihin kuwo kakalyimid wadamada scandenivioanka, waxayn kamid yihiin masuuliyiin iyo xubnaha jaaliyaadka wadamada scandenivianka islamarkaan had iyo jeer si balaadhan uga qayb qaata taageeraha xukuumada DDSI. Waxayna carabka kudhufteen qalbi iyo gacmo furan kusoodhawaada caasimadeena DDSI.

Dhankakale, ugaas cabdirashiid daahir muuse iyo gudoomiyaha jaaliyaadka wadamada scandenivianka mudane cabdinuur qaalib muxumedoo kamid ah xubnaha qurbajoogt ah ee lasoo dhaweeyay oo iyana dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu farxsanyihiin imaanshaha ay yimaadeen caasimada DDSI. Waxayna xuseen inay umahadcelinayaan masuuliyiinta heerdeegaan ee sida quruxda badan usoodhawaysay. Waxayna tilmaameen in soo ajiibeen baaqi ay kudhawaween odayaal dhaqameedka deegaanka ee ahaa kasooqaybgal shir waynaha midnimada soomaalida DDSI.

Sidookale, mudane cabdinuur Muxumed Yuusuf (Huufi) oo kamid ah ururka dhalinyrata kacaanka gaamauray ee heego oo isna dhankiisa kuhadlay magaciisa iyo magaca dhalinyarda  Heego ee iskood isu aasaasay ayaa sheegay in qurbajoogtani kamid yihiin bulshada tirada badan ee kusoo qulqulaysa deegaanka islamarkaana u imanaya kaqaybgalka shirkii ay kubaaqeen odayaal dhaqameedka DDSI ee ugu horeeyo garaadka guud ee garaad kulmiye.

Iskusoowada duuboo, waxaa si xawli ah xarunta DDSI ee magaalada jigjiga ugu soo qulqulaya qurbajoogta iyo ergeeyinka kaladuwan ee kasooqaybgalaya shirwanaha umada soomaaliyeed ee DDSI kaasoo ah mid lagu casuumay muxaafid iyo mucaaradba islamarkaana ay dhawaan baaqiisa kudhawaaqeen odayaal dhaqameedka DDSI ee uu ugu horeeyo garaad kulmiye.  

 

Qaabilaadii Baaqa Odayaasha Oo Si fiican Usocota Iyo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar Oo Ka Hadlay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 1da August 2018. .Waxaa si heer sare ah usocota qaabilaada iyo soo dhawaynta dadka ka qayb-qaadanaya shirwaynaha wadatashiga danaha soomaalida ee ka dhaci doona caasidama deegaanka ee magaalada jigjiga oo ka imanaya dal iyo dibadba islamarkaana ku imanaya baaqii odayaasha.

Hadaba madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay baaqa shirwaynaha wadatashiga baaqa odayaasha ee lagaga tashanayo danaha shacabka ayaa sheegay inay xukuumadu garab taagantahay islamarkaana ay soo dhawaynayso baaqa odayaasha ee shirwaynaha, wuxuuna madaxwaynuhu sheegay inay xukumadiisu ay ku baaqayso inay shirwaynaha kasoo qaybgalaan cid kaste oo kasoo jeeda DDSI mucaarad iyo muxaafidba iyagoo fikirkooda xor u ah sida ay odayaashuba ku cadeeyeen baaqooda iyo cid kaste oo talo iyo tusaale wax u tar u ah dadka iyo deegaanka haysa.

Ugu danbayna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku nuux nuuxsadey in XDSHSI yo xukuumada DDSI ay si wayn ugarabtaaganyihiin islamarkaana ay taageersanyihiin baaqa iyo gogasha nabadeed ee lagaga wadatashano danta shacabka soomilyeed ee ay fidiyeen odayaal dhaqameedka deegaanku. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay inay soo dhawaynayaan cid kaste oo qabta fikir ka duwan iyagoo fikirkooda xor u ah iyo cid alaale cidii haysa talo iyo tusaale waxtar u ah shacabka deegaanka.

Wafti Qurbajoog Ah Oo Katimid Wadanka Canada ayaa si diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 1da July 2018. qaarkamid ah qurbajoogta u dhalatay DDSI ee jaaliyaadka wadankaasi Canada islamarkaana kasoojeeda gobolka faafan ayaa si habsami leh loogu soo dhaweeyay xarunta deegaanka ee magalaada jigjiga. Iyadoo garoonka diyaaradaha ee garaad wiil-waal ay si diiran ugu soo dhaweeyeen mas'uuliyiin heer-deegaan ah, odayaal dhaqameed iyo waliba qaar kamid ah ururka dhalinyarada kacaanka gaamuray ee HEEGO.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo kamid ahaa mas'uuliyiintii soo dhawaysay waftigan qurbajoogta ah oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin maanta soo dhawaynta ay garoonka diyaaradaha ee magaalada jigjiga kusoo dhaweeyaan wafti qurbajoog ah oo kasocda jaaliyaada DDSI ee wadanka Canada islamarkaana  uu kamid yahay Mudane cumar xaashi. Wuxuuna tilmaamay in ilaa iyo markii ay ku baaqeen shirka wada tashiga soomaalida itoobiya  odayaal dhaqameedka deegaanku ay wafuuda soomaalidu si xawli ah uga soo dagayaan xarunta deegaanka. wuxuuna wasiirku carabka kudhuftay in waftigu ay gacmo iyo qalbi furaan kusoo dhawaadaan deegaankooda hooyo.

Sidookale, qaarkamid ah waftigan qurbajoogt ah oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in si aad ugu faraxsan yihiin inay soo gaadhaan xarunta DDSI ee magaalada jigjiga islamarkaana ay umahadcelinayaan mas'uuliyiinta, odayaal dhaqameedka iyo waliba dhalinyarada heego sida quruxda badan ay usoo dhaweeyeen. Waxayna timaaameen inay magaalada jigjiga uyimaadeen kaqaybgalaka shirka wada tashiga ah ee umada soomaaliyeed ee kasoojeeda DDSI muxaafad iyo mucaaradba islamarkaana ay dhawaan kubaaqeen odayaal dhaqameedka deegaanka ee uu ugu horeeyo garaad kulmiye. Shirkaasina uu kubeegan yahay 5ta August 2018.

Ugudanbayna, qaar kamid ah dhalinyarada heego oo iyana dhankooda kahadlay ayaa sheegay in si qalbi furan oo farxadi kudheehantahay ay u soo dhawaynayaan wuufuuda kaladuwan ee maalmahanba sida balaadhan uga soodagaya garoonka caalmiga ah ee magaalada jigjiga. Waxayna xuseen in waftigan kasocda jaaliyada wadanka Canada ee u yimid shirka wada tashiga soomaalida itoobiya ee ay kubaaqeen odayaal dhaqameedka deegaanka ay si baaladhan u soo dhawaynayaan.

Gudoomiyaha Gobolka Nogob Oo Bogaadiyay Natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad

$
0
0

Sagag(Cakaaranews) Khamiis, 2da August  2018. Gudoomiyaha gobolka nogob mudane Axmed Xaaji oo kusugan xarunta gobolka nogob ee fadhigeedu yahay degmada Sagag ayaa bogaadiyay waxqabadka xafiiska waxbarashada ee DDSI sanadkii tagay ee 2010 EC maadaama uu xafiisku guulo laxaad leh iyo natiijooyin waxku ool ah kasoo hoyiyay natiijada intixaankii ardayda fasalka 12aad ee jaamacadaha kaladuwan ee dalka loogu xaroonayay dadaalkii uu galiyay awgeed isagoo sheegay inay ardaydii fasalka 12aad ee deegaanku ay sanadka 2010ka natiijooyin taabagal ah keeneen oo ay jaamacado helayaan tiro aad iyo aad ubadan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale uhambalyeeyay ardayda sanadkan heshay jaamacadaha iyo waalidiintoodii lasoo dadaashayba.

Ugudanbayna gudoomiyaha ayaa kubooriyay xafiiska inuu dadaalkiisa sii labajibaaro sanadka 2011 EC wuxuuna kuguubaabiyay ardayda fasalka 12aad galaysa 2011 inay kudaydaan ardaydii kahoraysay oo ay dadaal dheeri ah layimaadaan si ay ugu guulaystaan jaamacadaha dalka islamarkaana ay sumcad iyo sharaf ugu soo hoyiyeen deegaanka. 

 

Qurbajoogta DDSI Ee Wadanka Denmark Oo Qalab Caafimaad Oo Kaladuwan Ugu Deeqay Cusbitaalka Kaaramardha

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 2da August, 2018. Jaaliyada DDSI ee kudhaqan wadankaasi  Denmark ayaa deeq qalabka caafimaadka ah oo kaladuwan soo gaadhsiiyay Cusbitaalka kaaramardha ee magaalada jigjiga. Iyadoo qalabkani uu yahay qalab heersare ah oo tayo leh islamarkaana ka kooban Sariiro electronig ah, qalabka kalyaha lagusifooyo, qalabka qalitaanka oo dhamaysran, qalabka wadnaha (ECG),mootooyinka curyaamada, oxygen concentration iyo qalabyo kale oo muhiim ah.

Hadaba, qalabkan ay qurbajoogtu soo gaadhsiisay hospitaalka ayaa waxaa kawarbixyay islamarkaana mahadcelin balaadhan kabixiyay Maareeyaha Hospitaalka Kaaramardha Dr Muxiyadiin Cismaan Axmed oo sheegay in qalabkan caafimaadku uu yahay qalab aad muhiim u ah islamarkaana ay aad ugu baahnaayeen. Wuxuuna xusay in jaaliyada wadankaasi ay aad ugu dadaaleen sidii ay qalabkan noosoo gaadhsiin lahaayeen. Wuxuuna mahadcelin balaadhan usoojeediyay jaaliyada wadankaasi denmarki sida wadaniyada leh ee ay qalabkan qaaliga ah ee tayodo leh ay usoo gaadhsiiyeen.

Sidookale, gudoomiye kuxigeenka jaaliyada wadanka Denmark mudane Cabdirisaaq Cabdi Cumar oo kamid ah xubnihii kudadaalay keenida qalabkan qaaliga ah oo kahadlay arrimaha qalabkan ayaa sheegay in maanta ay jaaliyada DDSI ee wadanka denmarki ay farxad wayn utahay marba hadii deeqdoodii ahayd qalabkan caafimaadka ee kaladuwan  ay soo gaadhay hospitaalka karamardha ee magaalada jigjiga. wuxuuna xusay ka jaaliyad ahaan in ay ka go'antahay wixii awoodooda ah ee ay kucaawin karaan bulshadooda ay geeskooda kala garab istaagan xukuumada DDSI.

Ugudanbayna, qaarkamid ah shaqaalaha cussbitaalka kaaramardha ayaa aad u bogaadiyay qalabkan islamarkaana duco badan usoojeediyay. Waxayna tilmaameen in jaaliyada wadanka Denmark ay yihiin dad danqasho leh islamrkaana bulshada deegaankooda waxwayn uqabtay, deeqdanina ay tahay sadaqo jaariyo ah.

በቀጣይ ቀናት በጅግጅጋ ከተማ በሚካሄደውን የሰላምና የአንድነት የጋራ መድረክ አስመልክቶ የክልሉ ርዕሰ መስተዳድር ንግግር ማድረጋቸው ተገለፀ

$
0
0

ጅግጅጋ(cakaaranews)ረቡዕ፤ሐምሌ 25/2010 ዓ.ም በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ርዕሰ መዲና ጅግጅጋ ሐምሌ 28 ቀን ጀምሮ በክልሉ ታላቅ የሰላምና አንድነት የጋራ የምክክር መድረክ የሚካሄድ ሲሆን በዚህም በሁሉም የዓለም ክፍል ለሚኖሩ የክልሉ ተወላጆች በአጠቃላይ በዚህ የጋራ የምክክር መድረክ ላይ እንዲገኙ በሃገር ሽማግሌዎች፣ ኡጋሶችና የጎሳ መሪዎች በኩል ጥሪ መተላለፉ ይታወሳል።

 በዚህም መሠረት የክልሉ ርዕሰ መስተዳድር ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ዑመር መልዕክት “ሁላችሁም የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ተወላጅ የሆናችሁና በሃገር ውስጥና በውጭ ሃገራት ለምትኖሩ ክልሉ በሰላም፣ ልማትና አንድነት የጋራ የምክክር መድረክ በማዘጋጀት ላይ የሚገኝ ሲሆን ይህ ጉዳይ ይመለከተናል የምትሉ የክልሉ ምሁራን፣ የፖለቲካ ተፎካካሪ መሪዎችና ግለሰቦች ሁሌም ሰላም ወዳድ የሆነው ህዝባችንን እናንተኑ ለማስተናገድ ሐምሌ 28 ቀን 2010 ዓ.ም እየጠበቃችሁ ስለሆነ በዚህ የጋራ መድረክ እንድተገኙ ስል በራሴ፣ በክልሉ ህዝብና መንግሥት ሥም ጥሪዬን አስተላልፋለሁ።” ሲሉ መልእክታቸውን አስተላልፈዋል።

 

 

 

በውጭ ሃገራት የሚኖሩ የኢ.ሶ.ክ ዲያስፖራዎች ክልሉ በሚያካሂደው የሰላምና አንድነት መድረክ ላይ ለመገኘት ወደ ክልሉ ሲገቡ ደማቅ አቀባበል መደረጉ ተገለፀ

$
0
0

ጅግጅጋ(cakaaranews)ሐሙስ፤ሐምሌ 26/2010 ዓ.ም በአውሮፓና ስካንዲኒቪያን ሃገራት የሚኖሩ የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል አፍዴር ዞን ዲያስፖራ ማህበረሠብ አባላትና ሌሎችም የክልሉ ተወላጅ ዲያስፖራዎች በቅርቡ በክልሉ በሚካሄደው የሰላምና አንድነት የጋራ ምክክር መድረክ ላይ ለመገኘት ወደ ክልሉ ርዕሰ መዲና ጅግጅጋ ሲገቡ በክልሉ ከፍተኛ የሥራ ሃላፊዎች ደማቅ አቀባበል እንደተደረገላቸው ተገለፀ።

እነዚህ የክልሉ ተወላጅ ዲያስፖራዎች ባሳለፍነው ሳምንት የክልሉ ሃገር ሽማግሌዎች በሃገር ውስጥም ሆነ በውጭ ሃጋራት ለሚኖሩ መላው የክልሉ ተወላጆች ባደረጉላቸው ጥሪ መሠረት በሰላምና አንድነት የምክክር መድረኩ ላይ ለመገኘት የመጡ ሲሆን፤ ከዚሁ ጋር ተያይዞም በተለያዩ የአውሮፓ እንደ ዴንማርክ፣ጀርመን በመሳሰሉት ሃጋራት የሚኖሩ የዲያስፖራ ማህበረሠቡ አባለቱን በመወከል ኡጋስ አብዲረሺድ ጃማእ ሙርሰል፤ በተጨማሪም በስካንዲኒቪያን ሃገራት የሚኖሩ የክልሉ ተወላጅ ዲያስፖራ ማህበረሠብ አባላት ዋና ሃላፊ አቶ አብዲኑር ቀልቢ መሀመድና አባለቱ ሲሆኑ ወደ ጅግጅጋ ገራድ ዊልዋል ዓለምአቀፍ ኤርፖርት ሲደርሱም የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ንግድ፣ትራንስፖርትና እንዱስተሪ ቢሮ ሃላፊ፣ የዶ/ር አብዱልመጅድ መምህራን ማሰልጠኛ ኮሌጅ ዲንና የክልሉ ሄጎ ወጣቶች ንቅናቄ አባላት ተወካይ ኤርፖርት በመገኘት ደማቅ አቀባበል ማድረጋቸው ተገልጿል።

በመጨረሻም ዲያስፖራ አባላቱ በበኩላቸው በክልሉ ርዕሰ መዲና በጅግጅጋ በተደረገላቸው ደማቅ አቀባበል እጅግ ደስተኛ ከመሆናቸው ባሻገር፣የክልሉ መንግሥት የሥራ ሃላፊዎች ያደረጉለት አቀባበል ከጠበቁት በላይ መሆኑንም ገልጸዋል።


Maanta Iyo Porfosor Cabdinaasir Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 3da August 2018. Waxaa maalmahanba si isdaba joog ah garoonka diyaaradaha ee magaalada jigjiga uga soo dagaya wufuud kaladuwan oo ubadan qurbajoogta DDSI ee kukala dhaqan daafaha caalamka si ay uga qayb qaataan shirwaynaha wadatashiga umada soomaaliyeed ee kasoojeeda DDSI. Waxaana  maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada jigjiga  lagu soo dhaweeyay Porfosor Cabdinaasir Cumar  Shuuriye oo kamid ah qurbajoogta DDSI islamarkaana ka yimid wadankaasi malayshia. Iyadoo halkaasna ay si quruxbadan ugu soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin heerdeegaan ah oo uu horkacayo lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka xalinta cabshooyinka ahna wasiirka xafiiska qurbajoogta DDSI mudane cabdirisaaq sahane Cilmi.

Hadaba, soo dhawayn kadib, ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Lataliyaha Madaxwaynaha Ee Dhanka Xalinta Cabshooyinka Ahna Wasiirka Xafiiska Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo sheegay in maanta ay soo dhaweeyeen porfosor cabdinaasir cumar shuuriye oo kamid ah qurbajoogta udhalatay DDSI, kana yimid wadankaasi malayshiya. Wuxuuna intaas kudaray in ujeedada imaanshaha porfosorku ay tahay kaqaybgalka shirka wadatashiga midnimada umada  soomaaliyeed ee DDSI. Wuxuuna xusay in porfosorku inta uujoogo deeganka uu fikirkiisa iyo aqoontiisaba  uu ku darsan doono horumarka dhinacyada badan ee kasocda deegaanka.

Sidookale, Porfosor Cabdinaasir Cumar Shuuriye oo dareenkiisa kahadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu soo gaadho xarunta DDSI ee magaalda jigjiga. Wuxuuna porfosoorku u mahadceliyay masuuliyiintii kusoodhawaysay  garoonka. Porfosorka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in uusan siyaasi ahayn balse uu u yimid deegaanka inuu kaqaybaglo shirka wada tashiga umada soomaaliyeed  ee ay kubaaqeen odayaasha deegaanku. Wuxuuna tilmaamay in uu waxyaabo badan indho indhayn doono horumarka ka hanaqaaday deegaanka islamarkaan uu fikiradiisa iyo aqoontiisaba uu kudarsan doono.

Iskusoowada duuboo, bulshada deegaanka  udhalatay ee kudhaqan daafaha caalamka ayaa si isadaba joog ah uga soo dagaya magaalada jigjiga si ay uga qaybgalaan shirwaynaha wadatashiga umada sooamliyeed ee kasoojeeda DDSI. kaas oo ah shir loo dhanyahay oo ay kubaaqeen odayaal dhaqameedka deegaanku. Waxaana xusid mudan in shirkan lagu casuumay dhamaan bulshada DDSI mucaarad iyo muxaafidba.

 

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live




Latest Images