Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 19ka July 2018. Maamulka magaalada jigjiga ayaa wada dardargalin xoogan oo ku’aadan ka midho dhalinta iyo waliba in sidii loogu talagalay looga faa’iidaysto mashruuca damaanad qaadka cuntada ee ka hawlgala MMJ. Iyadoo wakaalada shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cuntada ee MMJ oo kaashanaysa MMJ ay si habsamileh tababar ugu bilaabeen dadka danyarta ah ee kafaa’iidaysta mashruuca damaanad qaadka cuntada ee kudhaqan Malagaalada Jigjiga.
Hadaba, tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Maayorka MMJ Mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak ayaa sheegay in tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee kuaadan xirafada shaqo ee kafaaiidaystayaasha mashruuca. Wuxuuna intaas kudaray in mashruucani yahay mashruuc aad u wnaaagsan islamarkaana looga faaiidaysanyo labo dhinac kuwaasoo kala ah in shaqo abuur ay bulshadu kahelayaan iyo waliba shaqooyinkaas oo ah kuwo lagu horumarinayo magaaladeena jigjiga. Wuxuuna kula dardaarmay kaqaybgalyaasha in si wanaagsan oo wadaniyad ah looga faa;iidaysto mashruuca islamarkaana tababarka si faacan loo qaato.
Sidookale, tababarkan ayaa waxaa iyana dhankooda ka hadlay Madaxa Arimaha Xisbiga MMJ Mudane Cabdulahi Muxumed Iyo Waliba Madaxa Xafiiska Maaliyada Hor-Dhaqaalaha MMJ Mudane Khaalid Cabdiraxmaan ayaa sheegay in tababarkan ujeedadiisu tahay sidii kafaaiidaystayaasha mashruuca ee kudhaqan MMJ ay fahan buuxa uga qaadan lahayeen shqaaoyinkan ay qabanayaan islamarkaana ay noqdaan xirfadlayaal shaqadaoda si buuxda u garanaya. Waxayna intaas kudareen in kaqaybgalayaasha tababarkan oo ah kafaaiidaystayaasha mashruuca damaanad qaadka cuntada ee MMJ ay kubaranayaan casharo laxidhiidha nidaamka iyo shaqooyinka sida shaqooyinka xidhxidhka jeexjeexyada (farqaha/ laagaha) cagaarinta magaalada jigjiga iyo wlaiba nadaafada qaybaheeda kaladuwan ee magaalada jigjiga.
Mas’uuliyiinta ayaa waxay tilmaameen in mashruucan ay wajigiisa koobaad kafaaiidaysanayaan dad danyar ah oo tiradoodu ka badantahay 5000 oo qof.
Sikastaba ha ahaatee,, mashruucan damaanad qaadka cuntada ayaa ah mashruuc doormuhiim ah kaciyaaraya tiritirida shaqo la,aanta iyo ladagaalanka saboolnimada. Waaana mashruuc oo maalgaliyo bangiga aduunka islamarkaana loogu talgalay dadka danyarta ah ee kudhaqan magaalooyinka.
Iskusoowada duuboo, tababarkan ayaa wuxuu socon doono mudo 8 cisho ah, waxaana laga filayaa kadib markii uu tababarku dhamaado in kasoobaxaan natiijooyin waxku’ool ah kaasoo gashi unoqon doona shaqooyinka horumarineed ee mashrruca damaanad qaadka cuntada ee MMJ.